Xildhibaan Raaqiya Ismaaciil (Conservatives, Islington, London) iyo Xildhibaan Siciid Nuur Ibraahim (Labour, Cardiff) ayaa ka faaloonaya ka-hortagga iyo xallinta fal-dembiyeedyada dhalinyarada
Category: Health
Abwaan Aadan Muuse Haybe iyo suugaanta uu ka tiriyay Covid-19
Abwaaan Aadan Muuse Haybe iyo doorka ay suugaantu ku leedahay wacyigelinta bulshada, gaar ahaan wuxuu ka hadlayaa oo uu falanqaynayaa suugaanta uu ka tiriyay Covid-19 iyo xaaladda uu bulshada geliyay, iyo waxa ina la gudboon.
Covid-19: Waxbarashada iyo Dhaqaalaha Soomaalida UK – Xildhibaan Kaltum (Green Party, Sheffield) & Xildhibaan Mahdi (Labour, Manchester)
Xildhibaan Kaltum (Green Party, Sheffield) & Xildhibaan Mahdi (Labour, Manchester): Saamaynta uu Covid-19 ku yeeshay waxbarashada iyo dhaqaalaha Soomaalida UK
Xaaladda caafimaad ee Soomaalida uu Covid-19 ku dhacay iyo saamaynta uu ku yeeshay
Axmed Maxamed Xasan, Siciid Muxumed Xuseen iyo Siciid Maxamed Buraale ayaa faahfaahin ka bixinayaan sidii uu Covid-19 ugu dhacay, saamayntii uu caafimaadkooda ku yeeshay, iyo sidii looga daweeyay.
Saamaynta uu Covid-19 ku yeeshay waxbarashada iyo barbaarinta carruurta
Dr Shamsudiin Abiikar ayaa faahfaahin ka bixinaya, kana jawaabaya su’aalo la xidhiidha Covid-19 iyo isbedelka iyo sida uu u saameeyay habkii iyo hanaankii waxbarashada iyo barbaarinta carruurta.
Dr Shamsudin Abikar discusses and answers questions regarding the impact of Covid-19 on the teaching and learning of children, and their development.
Covid-19: Difaaca Jidhka iyo Caafimaadka Maanka
Covid-19 waa cudur si ba’an u fida, wuxuu na weeraraa neefmareenada. Sidoo kale wuxuu saamayn ku yeeshaa caafimaadka jidhka iyo maanka.
Covid-19: Adkaysiga iyo rajada qoysaska Soomaaliyeed ee Bristol ku nool
Samiira Muuse iyo Hibo Rooble oo kamid ah bulshojirayaasha dahsoon ee ilaaliya qalcadda Soomaalida Bristol ayaa faahfaahin faahfaahin ka bixinaya saamaynta uu Covid-19 ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed, iyo adkaysiga iyo rajada qoysaska iyo carruurta.
VIDEO: Covid-19 iyo Soomaalida Bristol: Waxyeelada iyo xakamaynta cudurka coronavirus
Xubno ka tirsan hoggaanka ururada bulshada Soomaalida Bristol ayaa ka digaya waxyeelada uu cudurka Covid-19 bulshada u gaystay, iyo sida xakamayntiisa iyo cidhibtirkiisa looga qaybqaadan karo.
VIDEO: Ma si gaar ah ayay Soomaalidu ugu nugushahay xanuunka Covid-19?
Korodhka tirada kiisaska Covid-19 ee la xidhiidha Soomaalida Bristol (iyo UK) ayaa werwer badan laga qabaa. Xogta bulshadu waxay sheegaysa in aanay isku dheelitirnayn tirada Soomaalida ee uu xanuunku ku dhacay ama u dhimatay iyo lambarka ay bulshada ka yihiin.
Bristol: Soomaalidu waxay safka hore kaga jirtaa bulshooyinka uu Covid-19 sida aadka ah u saameeyay
Xogta ku saabsan Soomaalida Bristol – iyo UK – waxay tilmaamaysaa in xanuunka Covid-19 uu si gaara Soomaalida u saameeyay.