Bristol: Soomaalidu waxay safka hore kaga jirtaa bulshooyinka uu Covid-19 sida aadka ah u saameeyay

Xogta ku saabsan Soomaalida Bristol – iyo UK – waxay tilmaamaysaa in xanuunka Covid-19 uu si gaara Soomaalida u saameeyay.  

Waxa si adag loogu doodi karaa ilaa intii uu xanuunka Covid-19 bilowday in Soomaalidu ay mar walba safka hore kaga jiraan dadka cusbitaalada ku jira iyo kuwa uu xanuunku dhimashadooda sabab u noqday.

Dad badan oo Soomaalida Bristol, iyo dhamaan UK, ka mid ah ayaa imika xaaladdooda caafimaad aad u liidataa ama ay culustahay oo baraad la’ (they’re in coma); tiro badan oo kale ayaa cusbitaalada iyo guryaha jiifta; sidoo kale, haldoor iyo waayeel badan oo bulshada kaalmo kala duwan kaga jiray ayaa adduunka ka carraabay oo xanuunkani uu dhimashadooda sabab u noqday.

Su’aalo badan ayaa la iska weydiinayaa sababaha keenay in xanuunka Covid-19 uu Soomaalida si ba’an u haleelay. Jawaabo kala duwan ayaa su’aalahaa ka soo baxaya. Waxaana ka mid ah in dayac badan iyo taxadar la’aani ay Soomaalida ka muuqato, gaar ahaan u-hoggaansamidda awaamiirta iyo farriimaha caafimaadka. Tusaale, dariiqyada ay ku yaalaan ganacsiyada Soomaalida waxa lagaga cawdaa in rag badani ay koox-koox u taaganyihiin iyada oo, ta koowaad, dhammaan wadddanka bandoo la galiyay (lockdown). Iyo ta labaad, iyaga oo aan ilaalinaynin xeerkii kala-durkidda bulshada (social distancing).

Waxa taa dheer, iyada oo markii hore ay jireen xaalado la xidhiidha sinaan la’aanta dhaqaalaha oo ka dhigtay Soomaalidu in ay waxyaabo badan u nuglaato, ayaa imika xaaladdoodii caafimaad waxa sii dhaawacay dhayalsiga xanuunka Covid-19. Arrintan waxa lagu tilmaamayaa in ay sabab u yihiin warar badan oo sheegaya in xanuunkani aanu Muslimiinta ku dhicin ama aanu ahayn wax jira.

Xanuunkani waa sidii col aanad arkaynin oo weerar joogto ah kugu haya oo aanad xitaa malayn karin tallaabada xigta ee uu qaadayo iyo ujeeddadiisa. Wuxuu weeraraa dhammaan neefmareenada, wuxuuna ku faafaa siyaabo kala duwan oo ay kamid yihiin taabashada, qof qaba oo kuu soo dhawaada, iyo isaga oo hawada ku jiri kara ilaa shan daqiiqo. Haddii qof xanuunka qaba uu hindhiso ama uu qufaco, dhibcaha il-ma-aragtada ah ee qofka ka soo baxa waxay hawada ku sii jiraan muddo daqiiqado ah.

Khubarada caafimaadku waxa kale oo ay sheegayaan in saddexdii qof ee kasta ee xanuunka Covid-19 qaba mid kamid ahi aanay calaamadaha xanuunku ka muuqanin, laakiin uu sii faafin karo.

Waxa kale oo maalmahan dambe la helay nooc kale oo Covid-19 ka soo farcamay, kaas oo xawaaraha faafiddiisu uu aad u dheeraynayo. Farcanno kala duwan ayaa laga helay UK iyo Brazil.

Haddaba, maadaama uu xanuunkii waddankan UK iyo caalamka intiisa kale aad ugu sii faafay, hay’addii caafimaadka qaranka (NHS) uu culays badani soo wajahay, waxa suurtogal ah in dhakhaatiirtu ay gaadhaan heer ay go’aansadaan qofka ay dhakhso u badbaadin karaan iyo qofka kale. Taa macnaheedu waa in qofkii ay dareemaan in aanu koomada hore uga soo kacaynin in aan la sugin oo mashiinka laga furo si loogu xidho qof kale oo uu muddo gaaban wax ku tari karo.

Si kastaba ha ahaatee, waajib ayaa mar walba inaga saaran in aynu nafteena iyo bulshadeena dayacaadda ka ilaalino oo uga digno waxyaabaha caafimaad darada u keenaya, weliba inaga oo qaadanayna talooyinka caafimaadka ee hay’adaha ku shaqada leh ay soojeediyeen. Sidoo kale, badbaadinta nafta bini’aadamku waa waxyaabaha ugu horeeya ee ay diinta Islaamku mudnaanshaha siiso.

Sidaa daraadeed, waa lama huraan in Soomaalida Bristol – iyo dhammaan meel kasta oo ay caalamka kaga noolyihiin – ay badbaadinta bulshada mudnaanshaha siiyaan. Taasi waxay ku dhici kartaa iyada oo la raaco awaamiirta iyo farriimaha ka imanaya hay’adaha caafimaadka, isla markaana lagu dadaalo in daryeel caafimaad la doonto marka uu qofku isku aro calaamadaha Covid-19.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s