Werwer badan ayaa laga qabaa korodhka tirada kiisaska Covid-19, gaar ahaan Soomaalida Bristol (iyo UK) ee uu xanuunku ku dhacay ama u dhimatay.
Xogta bulshadu waxay sheegaysaa in aanay isku dheelitirnayn tirada Soomaalida ee uu xanuunku ku dhacay ama u dhimatay iyo lambarka ay bulshada ka yihiin.
Haddaba, Huda Muuse Xaaji oo kamid ah mihnadlayaasha caafimaadka ee ka hawlgala magaalada Bristol, UK, ayaa ka jawaabaysa su’aalahan hoose iyo kuwo kale.
• Ma si gaar ah ayay Soomaalidu ugu nugulyihiin xanuunka #COVID19?
• Maxaa keenay in COVID-19 uu saamayn gaar ah ku sii yeesho Soomaalida?
• Maxaa se Soomaalida ku waajib ah si ay uga qaybqaataan xakamaynta iyo cidhibtirka COVID-19?