Arrimaha Dibedda: Madaxweyne Muuse Biixi waa inuu la yimaaddo qorshe siyaasadeed dhidibada u siiba qoddobadii la dhidbay

A. O. Boobe (14 Dec 2017 | BSMG) – Khudbadii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi shalay (Arbaca, 13ka December 2017) ka jeediyay xafladii caleemasaarka madaxweynenimadiisa waxay ahayd mid si aada loo sugayay, lagana filayay isbedel siyaasadeed iyo hoggaamin lagu soo hirto. Sababtu waa iyadoo imika Somaliland ay hortaaganyihiin caqabado dhaawacay deegaankii (sida abaaraha soo noqnoqday), dhaqaalhii, iyo musuqmaasuq iyo cadaalad darro baahsan. Haddaba waxay u baahnaatahay in si qotodheer loo falanqeeyo, dhinacyo badanna laga eego, waayo waa halbeega lagu cabirayo siyaasadda uu Somaliland ku hoggaamin doono shanta sannadood ee sosocda. 

Arrimihii uu ka hadlay, gaar ahaan dhinaca siyaasadda arrimaha dibedda, waxa ka mid ahaa rajada uu ka qabo iyo iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee ay yeelan karaan Soomaalida ku nool Geeska Afrika, kuwaasoo ku kala nool shan waddan oo gobolka ku yaala. Wuxuu carrabaabay sida uu ugu faraxsanyahay in ay xafladda caleemasaarka ka soo qaybgaleen oo ay joogaan mas’uuliyiin isirkoodu Soomaali yahay oo horkacaya wufuud ka socota afar waddan oo ka mid ah waddamada deriska ah. Waxa la odhan karaa wuxuu tilmaamayay in fikradii Soomaali-Weyn ee dhicisowday laga bartay casharo wax weyn ka bedelay nolosha Soomaalida.

Arrimahaa markii uu ka hadlayay Madaxweyne Biixi wuxuu yidhi: “Maanta dalalkii Soomaaliyeed – qaybtii Jabuuti, qaybtii Itoobiya, qaybtii Kiiniya, Somaliland – waxa innaga dhiman qaybtii Muqdisho [Koonfur] oo ay ahayd iyaguna iyagoo qaranka Somaliland ictiraafsan inay [xafladdan] ka soo qaybgalaan.” Waxaan shaki ku jirin in sababta ay u maqnaayeen ay ahayd arrin siyaasad la xidhiidha, maadaama aan weli la isku afgaran dib-uga-noqoshadii midnimada iyo gooni-isu-taagga Somaliland.

Haddalka madaxweynaha waxa ka muuqday kalsooni uu ka qabo in la gaadhay wakhtigii la xaqiijin lahaa in sida keliya ee lagaga soo kaban karo burburkii iyo khasaarihii ka dhashay dhaqangelintii fikraddii Soomaali-Weyn ee fadhiidka noqotay ay tahay in la helo waddamo kala madaxbanaan, Soomaali ka taliso, danaha ka dhexeeyana iska kaashada. Wuxuuna hoosta ka xariiqay sida uu ugu hanweyn yahay in ay mustaqbalka dhow taasi dhici doonto. Wuxuuna sheegay inuu “filayo inay [qaybtii xafladda ka maqnayd] dhawaan ka soo qaybgali doonaan, oo aannu iskaashan doono, oo aannu dad iyo dhaqanba wadaagno.”

Isla markaana wuxuu hoosta ka xariiqay in midnimadii Somaliland iyo Soomaaliya ay shaqayn weyday iyo in hore looga socdo oo aan la isku daalin. Wuxuuna yidhi: “Laakiin [annaga iyo Soomaaliya] arrintayadu [way] suurtoobiwayday in ay mid noqoto duruufihii dhacay awgood. Deetana nin waliba dawladiisii iyo qarankiisii gaar u dhistay. Iyagana waanu u ducaynaynaa inay dhibaatada ka baxaan … waxaanu u rajeynaynaa in ay nagu hambalyeeyaan wixii tallaabo horumar leh ee aannu samaynay.”

Dhinaca kale waxa uu Muuse Biixi ku dhiirigeliyay haldoorka Koonfurta in ay isku tashadaan oo aanay shisheeya ku tiirsanaan, wuxuuna tusaalle u soo qaatay sida ay reer Somaliland isugu tashadeen. “Somaliland waxaa ay soo martay ee ay dal soo dhisatay … waxaa ay doorasho soo gashay oo ay tii maantu ugu dambeysay, Somaliland keligeed baa samaysay – wax yar [oo ay] hay’adaha iyo deeq bixiyeyaashu naga caawin jireen mooyaane. Doorashadii ugu dambeysay dhamaanteed 80% waxa bixiyay Somaliland,” ayuu yidhi madaxweynaha xilka la wareegay.

Isagoo hadalkiisii sii wata, wuxuu yidhi: “Waxaanu u sheegyanaa caalamku in aannu deyn nagu lahayn – waa kuwa halkaa fadhiyee – Baanka Adduunyada ee wayni aanu na caawinin, oo aanu Baanka Afrika na caawinin, oo dawladaha Carbeed na caawinin iyo kuwa Muslimku na caawinin. Doorashadayada iyo hawlahayaga Ilaahay iyo ummadda Somaliland ayaa isku tashatay. Walaalaha Soomaaliya ee Xamar joogana waxaanu u sheegaynaa in ay isku tashadaan oo ay waddadaa raacaan, oo ay ka baxaan ku tiirsanaanta dowlado shisheeye iyo ciidamo oo hawlahooda siyaasiga u qabanayn.”

Xaqiiqdii, waxa lagu doodi karaa dhiirigelintaa iyo taladaa uu siiyay ‘walaalaha Soomaaliyeed ee Xamar’ ka taliya in ujeeddada ka dambeysaa ay tahay: marka hore, waxaanu diyaar u nahay in waxa inaga dhexeeya aynu wada hadal ku dhamaysano, laakiin horta gurigiina soo hagaajiya kadibna isu keen keena. Ta labaad, wax dusha laga soo dhisay oo beesha caalamku idinku soo rogtay marna idiin shaqayn maayo, waayo dhaqankiina iyo diintiina lama falgeli karaan. Laakiin haddii aad isku tashataan, wax badan baad keligiin qaybsan kartaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxa aan muran ka taagnayn in fikirkii Soomaali-Weyn ee awoowyadeen iyo aabayaasheen ku taamayeen uu shaqaynwaayay – iyagu marna eed malaha; fikiraasina ay ka dhasheen mahadhooyin taariikhda adduunyada galay oo wax badan laga qoray, runtiina tusaalle ahaan loo isticmaalo marka laga hadlayo ama ardayda la fahamsiinayo cawaaqib xumada ka dhalata fikiradaha siyaasadeed ee caadifadda ku dhisan.

Marka taa laga tago, waxaaan aaminsanahay in dhalinyarada iyo da’yarta isirkoodu Soomaaliga yahay ee ku nool Geeska Afrika iyo daafaha dunida ay dhacdooyinkaa wax badan ka baran karaan – laakiin waa haddii laga ilaaliyo caadifaddii iyo hanuunintii (orientation) khaldanayd ee ku dhacday jiilkii kacaamay horraantii toddobaatanadii ilaa dabayaaqadii siddeetanadii: fikirkii laabta lagu qaatay ee Soomaali-Weyn iyo Shuuciyad – casrigan la joogo malaha mabda’aa Hantiwadaagga ah waxa bedelay xag-jirnimo.

Ugu dambeyntii, si fikirkaa iskaashiga dawladaha Soomaaliyeed u hirgalo waa in Madaxweyne Muuse Biixi uu la yimaaddo qorshe siyaasadeed uu dhidibada ugu siibayo qoddobadii la dhidbayay 26kii sannadood ee ina soo dhaafaya, taakadana ku noqday xidhiidhkii ay Somaliland la yeelan lahayd bulshooyinka caalamka.

Wixii su’aal, talo iyo tusaalle ah fadlan la xidhiidh: @AbdiOBoobe

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s