Somalia: Maxaa sababay xil ka qaadista wasiirada?

A.O. Boobe (BMSG – 05 Jan 2018) | FAALLO: Mindidii saawirta ahayd ee Muqdisho waxay shalay subax sariigtay wasiiradii arrimaha gudaha, dibedda iyo ganacsiga iyo warshadaha. Inkastoo xil ka qaadista iyo isku-shaandhaynta golaha wasiiradu ay sunnaha dawladnimada ka mid yihiin, haddana waxa ay su’aali ka taagantahay sababta ku kaliftay in golaha wasiirada Soomaaliya wakhtigan isbedel kadis ah lagu sameeyo. Haddaba maxaa keenay in wasiiraddan la bedelo iyagoo xilalkaa hayay muddo sannad ka yar?

Dhawr arrimood ayaa lagu tilmaami karaa in ay arrintan sabab u yihiin. Ta ugu muhiimsan waxa la odhan karaa waa xiisadda siyaasadeed ee maalmahan ka taagnayd magaalada Muqdisho ee u dhaxaysay xukuumadda Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaridka. Qoraal dheer oo uu Yuusuf Garaad, wasiirkii hore ee arrimaha dibedda, degelkiisa ugaarka ah ku qoray wuxuu hoosta kaga xariiqay in aanu raalli ka ahayn sida loo wajahay arrimo u dhexeeya xukuumadda uu ka tirsanyahay iyo qabiilka uu ka soo jeedo. Wuxuuna yidhi: “Waxaan ku faraxsanyahay in aanan dheg u dhigin madaxda iyo dadka damcay in ay igu qalqaaliyaan in aan ku milmo arrimo … dowladda iyo qabiil ka dhexeeya oo aanan labada dhan midkoodna raalli ka ahayn sida ay wax ku wadaan.”

Halkaa waxa ka muuqda in Yuusuf Garaad uu arrinta dhexdhexaad ka noqday, kana talo bixiyay laakiin aanay xukuumaddu go’aankiisa jeclaysanin. Sidoo kalena dad beeshiisa ka mid ahi aanay u riyaaqin mawqifka uu arrintaa ka qaatay. Waxa kale oo qoraalkaa laga daalacan karaa in Yuusuf Garaad u ka biyo diiday sida ay xukuumaddiisu ula dhaqmayso siyaasiinta mucaaridka ah ee uu ku tilmaamay in ay “qabiil” yihiin ama beel keliya ka soo wada jeedaan. Xaqiiqdii arrintaasi dhaawac weyn ayay u gaysatay Madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaarihiisa.

Maqaalkiisa wuxuu ku soo gabagabeeyay in uu u “kordhay fahamka ciladda haysata dawladnimada Soomaaliya.” Taa waxa lagu tilmaami karaa in uu ula jeeddo go’aan qaadashada hoggaanka siyaasadda, horumarinta habka iyo hanaanka dawladnimada, iyo tixgelinta heshiisyada ay xukuumadihii hore galeen. Tusaalle waxa loo soo qaadan karaa ciidamada kala duwan ee ay tababaraan waddamo, shirkado iyo hay’do danahoodu iska soo horjeedaan sida Turkiga, Imaaraatka, Itoobiya, Kenya, EU iyo Marykanka.

Tusaalle kale oo aad muhiim u ahi waa tallaabooyinkii khaldanaa ee Madaxweyne Farmaajo ku dhaqaaqay ee ku saabsanaa arrimaha hawada Soomaaliya iyo Somaliland la xidhiidha. Waayo Yuusuf Garaad wuxuu goob joog ka ahaa shirarkii iyo wadahadaladii ugu dambeeyay ee dhexmaray labada waddan, kuwaasoo maareynta arrimiha hawada iyo sidii loo wareejin lahaa ay ka mid ahaayeen go’aamadii shirarkaa ka soo baxay.

Waxa aan shaki ku jirin in wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cabdi Faarax Siciid (Juxa) uu isaguna xukuumaddiisa aad u dhaliilsanaa. Waayo waa sir la wada ogyahay in uu faraha ka laabtay arrimaha uu Yuusuf Garaad sheegay in ay u dhexeeyeen dowladda iyo qabiil. Runtii waa arrin u baahan in loo kuurgalo waxa sababay in iyadoo arrimihii loo igmaday ay ka midyihiin habsami-u-socodka iyo kala dambaynta arrimaha gudaha haddana aanu qayb ka ahayn xal u raadinta qalaalasahaa dhacay.

Arrinta labaad ee xil ka qaadista Juxa keentay waxay u badantahay in ay daba socoto waraysigiisii VOA Somali (02 January 2018) ee uu ku cadeeyay in Soomaaliya ay tahay “dawlad nugul maanta oo coma [suuxsan] ku dhow oo aan xor buuxda u ahayn amnigeeda iyo siyaasadeeda iyo nolosheeda.” Waxa lagu doodi karaa in arrintaasi ay ka cadhaysiisay Farmaajo iyo Khayre, waayo waxay beenaysay hadalada ay mar walba shicibka u sheegaan iyo fikirkii siyaasadeed ee Farmaajo lagu doortay, shicibkuna aad ugu sacab tumeen – inkastoo imika uu niyad jab weyni jiro.

Dhinaca kale marka la eego waxaad moodaa in ra’iisal wasaare Khayre uu doonayo in uu maareeyo xiisaddan siyaasadeed oo uu xal u helo caqabadahan ka horyimid. Waxaana laga dareemi karaa sida uu u soo xushay wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye oo lagu tilmaamay in uu ka midyahay ganacsatada shirkadaha isgaadhsiinta tunka weyn ee lama taabtaanka ah, isla markaana hayb ahaan ka soo jeedda qabiilkii uu Yuusuf Garaad ku sheegay in ay xukuumadda is hayaan; saxaafadda qaarkeed ayaa iyaduna qoraysa in uu ka mid yahay haldoorka Ahlu Sunna oo miisaanka siyaasadda gobolada dhexe saamayn weyn ku leh – waa haddii uu warkaasi dhab yahay. Waxaana laga soo qaadi karaa in Khayre uu doonayo in uu dhagax keliya ku wada dilo saddex shimbirood, laakiin waa hawl adag oo u baahan dulqaad, tanaasul iyo aragti fog.

Magacaabista wasiirka cusub ee ganacsiga iyo warshadaha Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa u muuqata in ay tahay mid lagu soo dhaweysanayo si aanu siyaasadda xukuumadda u wiiqin maadaama uu yahay xildhibaanada aan cidna matalin laakiin muuqaal ahaan tirada buuxiya (symbolic MPs) – xildhibaanada Somaliland ka soo jeeda ee Baarlamaanka Muqdisho ku jira waa kuwo aan beelahooda garab ka haysanin, cidna aan matalin maadaama ay Somaliland madaxbanaanideedii dib ula noqotay inkastoo aanu caalamku weli ictiraafin. Xirafaddiisa siyaasadeedse Maareeye waxa lagu tilmaami karaa siyaasiyiinta ay xukuumaduhu iska ilaaliyaan ee u baahan in isha lagu hayo, sida keliya ee taasi u dhici kartaana waa in golaha wasiirada lagu soo daro – waa arrin badanaa caalamka ka dhacda. Tusaalle waxaynu u soo qaadan karnaa hadalkii ku saabsanaa Somaliland ee uu dhawaan carrabka ku dhuftay mar uu ka qaybqaadanayay kulan ay Baarlamaanka Soomaaliya lahaayeen. Wuxuuna yidhi: “Somaliland in maamul [goboleed] la yidhaahdo waa aflagaado.” Xaqiiqdii uma malaynayo in uu hadalkaasi dhab ka ahaa, laakiin waa mid uu ogeysiis ku bixinayay, wayna u shaqaysay; Farmaajo iyo Khayre waa in ay mar walba ku xisaabtamaan codadka xildhibaanada muuqaal ahaan tirada buuxiya.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan muran ku jirin in tiradii dumarku ay ku lahaayeen golaha wasiirada Khayre maanta ay is dhintay. Waxaase xusid mudan in la ogaado sababta keentay in dumarku iyagoo saddex tol leh (kii ay ka dhasheen, kii ay u dhexeen iyo kii dumarnimada) haddana xubintoodii ragga loo siiyay? Dad badan ayaa laga yaabaa in ay isweydiinayaan xilka wasiirnimada inanta laga qaaday, maxaa gabadh kale loogu bedeli waayay ee Maareeye loogu magacaabay?

——-
Wixii su’aal ah ama ra’yi arrintan ku saabsan, fadlan qoraha maqaalka la xidhiidh: @AbdiOBoobe

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s