Somaliland: Khudbadda Caleemasaarka Madaxweyne Muuse Biixi – Rajo iyo Kalsooni?

A. O. Boobe (Wednesday, 13 Nov 2017 |BSMG) — Saacado kadib waxa la caleemasaari doonaa oo xilka la wareegi doona Muuse Biixi Cabdi oo ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee bil ka hor (13kii November 2017) Somaliland ka dhacday. Badanaaba caleemasaarka madaxweynayaasha si dimuqraadiya loo soo doortay waa mid xiiso gaara leh, taariikhdana lagu xardho waddankay doonto ha ka dhacdee. Waxaana mar walba si aada loo xiiseeyaa, loona dersaa khudbadda iyo erayada uu xafladda caleemasaarka ka jeediyo madaxweynaha xilka la wareegay.

Khudbadaha caleemasaarku waxay badanaa noqdaan kuwo taariikhda gala, gaar ahaan waddanka Maraykanka oo ku caan baxay, waayo waxa madaxweynaha cusub (ama dib loo doortay) laga filaa in uu dadka rajo geliyo iyadoo lagu jiro wakhti adag oo xiisad colaadeed jirto ama dagaal socdo, dhaqaale xumo ba’ani waddanka ku habsatay ama xaalad jinsi/midab nacayb taagantahay. Waxa kale oo khudbaddu ay halbeeg u tahay siyaasadda iyo qorshaha hoggaamineed ee waddanka lagu hagi doono muddo xilliyeedka cayiman ee xukuumadda cusubi ay talada hayn doonto.

Tusaalle waxaynu u soo qaadan karnaa erayadii uu Franklin Roosevelt, madaxweynihii 32aad ee Maraykanka, uu isticmaalay 1933kii markii uu khudbadiisii jeedinayay. Wakhtigaa waxa Maraykanka weli ka muuqday raadkii dhaqaale burburkii taariikhda galay ee loo yaqaanay ‘The Great Depression’. Erayadii uu halkaa ka jeediyay waxa loogu talogalay in ay rajo beeraan wakhti aan hubaali jirin. Waxaana erayadaa ka mid ahaa, “Marka ugu horeysa, ii ogolaada in aan xaqiijiyo in aan si adag u aaminsanahay in waxa keliya ee aynu ka baqnaa ay tahay baqashada laftigeeda, oo aan magac lahayn, argagax aan sabab lahayn kaasoo curyaamiyay juhdigii loo baahnaa in dib-u-gurashada uu horumar u bedelo.”

Sidoo kale, John F. Kennedy oo noqday madaxweynihii 35aad ee Maraykanka ayaa khudbadiisii jeediyay horaantii bishii January 1961kii iyadoo dhalinyaradii loogu yeedhay, kana qaybqaadanayaan dagaalkii Vietnam. Kennedy wuxuu doonayay inuu shicibka farriin u diro, kuna dhiirigeliyo in ay waddankooda garab istaagaan marka uu dagaal socdo. Wuxuuna yidhi, “Walaaladayda Maraykankow: ha su’aalina waxa waddankiinu idiin qaban karo – su’aala waxa aad waddankiina u qaban kartaan. Walaalahayga kale ee caalamka: ha su’aalina waxa Maraykanku idiin qaban doono, lakiin [isweydiiya] waxa aynu xornimada bini’aadamka isku duubni ugu wada qaban karno.”

Barack Obama, madaxweynihii 44aad ee Maraykanka, ayaa isaguna khudbad dhegihii dadka soo jiidatay ka jeediyay xafladii lagu caleemasaaray. Erayadii qiimaha lahaa ee taariikhda galay waxa ka mid ahaa: “Maalintan aynu joogno, waynu isku soo ururnay waayo rajo ayaynu cabsi ka dooranay, midnimo ujeeddo leh ayaynu ka dooranay iska hor-imaad iyo heshiis la’aan. Maalintan aynu joogno, waxaynu isugu nimid in aynu ku dhawaaqno in ay dhamaatay cadaalad darradii la kala tirsanyay iyo ballanqaadyadii beenta ahaa, is eedayntii iyo fikradihii laga daalay ee siyaasaddeena ragaadiyay. Weli waxaynu nahay qaran da’ yar. Laakiin erayada Buugga ku qoran, waxa la soo gaadhay wakhtigii dhinac la isaga riixii lahaa waxyaabaha dhaqan carruurnimo lagu tilmaami karo. Waxa la soo gaadhay wakhtigii dib loo xaqiijin lahaa waxa inoo gaar ka ah ee muddada dheer jiray; in aynu doorano taariikhdeena wanaagsan; in aynu hore u sii wadno hadyadeenaa qiimaha leh, fikraddaa wanaagsan ee jiilba uu jiilka kale u dhiibo: ballanqaadka Ilaahay ee ah in dhamaantood ay simanyihiin, dhamaantood ay xor yihiin, iyo in ay dhamaantood xaq u leeyihiin fursad ay si buuxda ugu cabiraan farxadda.”

Obama wuxuu yimid wakhti baqdin badani ay jirto, dhaqaale burbur uu dhacay, Maraykankuna aad ugu mashquulsanyahay fulinta siyaasadii ‘La Dagaalanka Argagixisada’. Khudbadiisii waxay yididiilo gelisay shicibkii oo dareemay in safarkii rajada ee ay dhawrayeen uu soo gaadhay.

Waxa isaguna la mid ahaa madaxweynaha imika Faransiiska ka taliya, Emmanuel Macron. Khudabadiisii caleemasaarka wuxuu balanqaaday inuu dawayn doono kala qaybsanaanta waddankiisa ka jirta iyo in uu Isbahaysiga Yurub (European Union) nolol cusub dib u gelin doono. Erayadiisii waxa ka mid ahaa: “Waxa la soo gaadhay wakhtigii Faransiisku uu wax ka qaban lahaa caqabadaha casrigan taagan. Kala qaybsanaanta iyo kala qoqobsanaanta shicibka waa in laga gudbaa, haddii ay tahay dhaqaale, siyaasad, arrimaha bulshada iyo niyadaba.”

“Waxaan muwaadiniinta u xaqiijin doonaa in awoodii Faransiisku aanay wiiqmin, laakiin aynu ku jirno gabal soo baxaya, dibna u soo noolaynaya oo aan caadi ahayn waayo waxaynu leenahay dhamaan tayooyinkii samayn lahaa, kana dhigi lahaa, quwadaha waaweyn ee qarniga 21aad … Dunidu waxay tabaysaa wixii ragga iyo dumarka Faransiisku bareen: geesinimada xornimada, in aan la diidi karin codsiga sinaanta, iyo rabitaanka danaha dadka ka dhaxeeya.”

Si kastaba ha ahaatee, Muuse Biixi oo ah madaxweynihii 5aad ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa laga filayaa in khudbadiisa caleemasaarku ay noqoto mid isku soo dhaweysa dadkii ay xiisadii ololaha doorashadu kala kaxaysay, kuna kasbado dhamaan kalsoonida shacabka – muxaafid iyo mucaarid labadaba; in uu cadeeyo in wakhtigii musuqmaasuqa iyo cadaalad darradu uu dhamaaday; iyo in uu xaqiijiyo in la taaganyahay wakhtigii laga guuri lahaa qabiilaysiga iyo qabyaaladdan la-hadhka ah ee curyaamisay maskaxdii caafimaadka qabtay ee dadka iyo dalkaba ka saari lahayd dhibaatooyinka ku xayndaaban ee ay ka mid yihiin aafooyinka abaaraha soo noqnoqday, wax soosaar la’aanta iyo dib-u-dhaca ku yimid dhaqaalaha iyo horumarka bulshada. Isla markaana uu carrabaabo siyaasadiisa arrimaha dibedda – gaar ahaan waddamada Geeska Afrika iyo xidhiidhka Somaliland iyo Soomaaliya.


Wixii talo ah, qoraha la xidhiidh @AbdiOBoobe

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s