A. O. Boobe (BSMG) – Saxaafadda af-Soomaaliga ku hadasha waxay aad uga hadlaysaa, una fallanqaynaysaa liiska golaha wasiirada xukuumadda Muuse Biixi oo ilaa saacad ka hor lagu daabacay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyada #Somaliland. Siyaasi Qurbo-Joog oo koob shaaha makhaayad ka cabaya ayaa maqlay niman isweydiinaya magacyada wasiirada cusub, isla markiiba wuxuu laacay telefoonkiisii gacanta (mobile) oo miiska saarnaa, wuxuuna galay degelkii (website) madaxtooyada – ilayn meel kale ma aaminayee.
Maqaalkii ugu sareeyay ayuu cinwaankiisa gujiyay, waxaana kaga soo baxay liiskii magacyada golaha wasiirada xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi oo uu aad u eegay; magacyadii ayuu mid mid u akhriyay, wuxuuse ka dhexwaayay magiciisii. Wuu naxay, wejigiisana dhibco dhidida ayaa ku soo joogsaday. Waxaad moodaysay in geeridii aabihii loo soo sheegay, cunuhuna cadho darteed ayuu la cuslaaday. Isagoo hadli kari la’ oo halkii uu fadhiyay aan ka kicin, ayuu inan makhaayadda ka shaqeynayay oo miiskii ku xigay alaab ka qaadaya la hadlay, kana codsaday in uu koob kafee ah oo kale u keeno, uuna ka soo adkeeyo, caanahana ka yareeyo.
Intii uu kafeega sugayay ayuu mar labaad liiskii ku noqday oo uu haddana magacyadii mid mid u akhriyay, isagoo weliba farta la raacaya. Inankii makhaayadda ka shaqaynayay ayaa ku soo noqday isagoo weli telefoonkiisii gacanta ku foorara, wejigiisana uu werwer badani ka muuqdo. Inankii oo ku leh “waa kan kafeegaagii ee wax kale miyaad u baahantahay,” ayuu telefoon u soo dhacay. Isla markiiba wuu qabtay isagoo inankiina gacanta kale uga baaqaya, una mahadcelinaya, ayuu u jawaab celiyay qofkii telefoonka soo diray oo weydiiyay inuu ku jiro wasiirada la magacaabay. Waxaana dhexmaray sheekadan soo socota:
Siyaasi QurbeJoog: “Haa. Waanigan imika eegaya liiska wasiirada ee uu Muuse soo saaray. Anigu kuma jiro, adigana magacaaga kumaan arag – sow maaha?”
Siyaasiyad QurbeJoog: “Waa runtaa oo aniguba kuma jiro, umana malaynayo in ay wax dambe hadheen. Waxaan u malaynayaa in uu ka dhabeeyay xukuumaddii koobnayd ee uu ku ololaynayay.”
Siyaasi Qurbe-Joog: “Inuu aniga iga reebo maan diidin, laakiin waxaan u qaadan waayay raggii iyo hablihii xisbiga aad ugu soo dagaalamay ee dibedda lacagaha ka soo ururin jiray cidi kagama jirto – haddii aanan anigu magacyadooda wada garanayn.”
Siyaasiyad Qurbe-Joog: “Waa dhab. Waxaan filayaa in la igu lahaa laba wasiir ayay qurbe-joogtu heshay inkastoo aan anigu mid kaliya u haystay.”
Siyaasi Qurbe-Joog: “Waxa kale oo aan la yaabay, waxa ku jira dhalinyaro aan afartan jir gaadhin oo la lahaa waddanka ayay wax ku baarteen. Waa maxay aqoonta ay meesha la imanayaan ilayn jaamacadahan waxba laguma dhigtee?”
Siyaasiyad Qurbe-Joog: “Wallee tii Somaliland ahayd maantaa loo yaabaa! Reerkii oo dhan way yaabanyihiin. Soddonkii daqiiqadood ee ugu dambeeyay telefoono ayaa la igu soo wareeriyay oo waxa la i weydiinayay waxa dhacay ee la iiga reebay, waayo ma jirto gabadh 2 masters haysata oo qabiilkayga ka soo jeedda oo weliba jaamacadihii la yaqaanay ee Britishka wax ku soo baratay.”
Siyaasi Qurbe-Joog: “Aniguba kula mid baan ahay. Laakiin halkii aad filaysay yaa la geeyay?”
Siyaasiyad Qurbe-Joog: “Wasaaraddii aan doonayay waxa loo dhiibay inan yar oo hay’ad u shaqayn jiray oo aan weligii waddanka dibedda ugu bixin – inkastoo la lahaa dhawr siminaar iyo shirar ayuu Itoobiya, Kiiniya iyo Yugaandha u tagay. Reerkayaga cidi kagama jirto, laakiin qabiilka guud ayaa laba qof la siiyay oo weliba midi tahay gabadh yar oo ururada dumarka ku jirtay, dhawr koorso (courses) oo maareynta ahna jaamacad ku sheegta ka qaadatay, weliba fiidkii bay dhigan jirtay baa la yidhi.”
Siyaasi Qurbe-Joog: “Wallaahi ninkii Muuse wuu ka dhabeeyay wixii uu maalintii dhawayd ku qudbadaynayay. Waxaase iigu daran maxaan ku odhan doonaa xaajiyadaydii ilayn laba hagbadood baan ka soo qaatay, muddo dheerna waan ka soo maqnaa – xitaa shaqadii fasax dheer oo bilaa lacag ah (leave without pay) ayaan ka soo qaatay.”
Siyaasiyad Qurbe-Joog: “Aniguba waan kaa daranahay, waayo alaabtii waan soo xidhxidhay, odaygaygiina waxaan ka dhaadhiciyay in uu Hargeysa u soo wareego, ciyaalkana halkan iskuul boarding ah kaga darno.”
Siyaasi Qurbe-Joog: “Mar haddii golihii wasiirada uu tiradooda sidaa u yareeyay, u malayn maayo in wasiiru dawlayaashii jirayaan – ilayn waagii hore kuwaasaa la isku sasabi jiraye. Agaasimeyaasha iyo maareeyayaashena waxa badankooda iska leh qolqol-joogta oo muddo ka shaqaynaysay … Haddaa maxaanu ninka ugu soo dagaalamaynay ee aanu carruurtayadii iyo shaqadayadii uga soo dhaqaaqnay.”
Siyaasiyad Qurbe-joog: “Haddii ilaa berri aan wax wara ka waayo odayaashii aan CVga u dhiibay ee aan hawsha u dirtay, waan iska noqonayaa, dib dambena la iiga maqli maayo xisbigaa iyo dawladdaa – ma anigaa inamo iyo hablo yaryar qandaraas u doonta. Haddii aan go’aansado in aan mashruucaygii hirgeliyo, NGOyada caalamiga ayaan la xidhiidhayaa.”
Sheekadii oo halkaa u maraysa ayuu maqlay shanqadh iyo qaylo dheer. Mar keliya ayuu booday oo go’ii uu huwanaa iska tuuray. Isla markiiba wuxuu dareemay in qolka uu ku jiraa uu madowyahay iyo in uu sariir dul fadhiyo, wuxuuna ogaaday inuu riyoonayay – shaydaankana iska naaray.
Daaqaadii ayuu eegay, wuxuuna dareemay in shil-baabuur ka dhacay hotelkii uu deganaa hortiisa … saacadduna ay tahay 3.30 aroornimo. Kadibna intuu sariirtii ku soo noqday ayuu isku qoslay, wuxuuna isweydiiyay: Muuse isagoon waxba magacaabin ayuu #nightmare nagu sii ridaye, hadhow marka uu golihiisa wasiirada ku dhawaaqo tolow qurbo-joog badan oo xil-doon ah maxaa ku dhici doona?
@AbdiOBoobe