Maraykanka oo muwaaddiniintiisa uga digay in ay Muqdisho sii joogaan ama tagaan

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa hoosta ka xariiqay in ay jiraan xog gaar ah oo ku saabsan khatar ku wajahan shaqaalaha ka soo jeeda waddanka Maraykanka ee ku sugan Gegida Diyaaradaha Caalamiga ee Muqdisho. Sidaa daraadeed, xafiiska wakiilka Maraykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya (U.S. Mission to Somalia) wuxuu farayaa dhamaan shaqaalaha aan muhiimka ahayn in ay Muqdisho ka baxaan ilaa iyo amar dambe. 

Gegida Diyaaradaha Muqdisho ayaa ka mid ah meelaha sida adag loo ilaaliyo ee lagu tilmaamo in ammaankoodu suganyahay ama waxa loo yaqaano goobta cagaaran (green zone), ayna ka hawlgalaan safaarado iyo hay’ado badan oo caalami ah.

Digniinta ayaa u qornayd sidan soo socota:

Maadaama ay jirto xog gaar ah oo ku saabsan khatar ku wajahan shaqaalaha Maraykanka ee ku sugan Gegida Diyaaradaha Caalamiga ee Muqdisho, xafiiska wakiilka Maraykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya (U.S. Mission to Somalia) wuxuu farayaa dhamaan shaqaalaha aan muhiimka ahayn in ay Muqdisho ka baxaan ilaa iyo amar dambe.

Iyadoo la tixraacayo Digniinta Safarka ee Soomaaliya <https://so.usmission.gov/travel-warning-01112017/&gt;, Wasaaradda Arrimaha Dibeddu waxay weli waddaa baaqii ay muwaaddiniinta Maraykanka ugu digaysay in ay Soomaaliya u safraan. Ammaanka Soomaaliya waa mid halis ah oo aan xasiloonayn, khatarta ay ku suganyihiin dhamaan muwaaddiniinta Maraykanka ahina weli waa mid aad u sareeya oo ba’an. Wasaaradda Arrimaha Dibeddu waxay ku boorinaysaa dhamaan muwaaddiniinta Maraykanka ah ee go’aansada in ay Soomaaliya sii joogaan in ay dib-u-eegis ku sameeyaan qorshayaashooda gaarka ah ee la xidhiidha dhinaca ammaanka oo ay qaadaan tallaabooyin ku haboon sidii ay ammaankooda gaarka ah u sii adkayn lahaayeen, in ay mar walba digtoonaadaan oo la socdaan waxa ka dhacaya nawaaxigooda, dhacdooyinka iyo wararka ugu dambeeya kala socdaan saxaafadda maxaliga ah, iyo in ay mar walba heegan ahaadaan.

Halkan ka akhriso digniinta oo Ingiriisi ku qoran: https://so.usmission.gov/security-message-u-s-citizens-specific-threat-information-u-s-citizens-u-s-mission-somalia-november-4-2017/#.Wf2cZBUs8-Y.twitter

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s