Waxyeelada Gaasta Qososha

BSMG (03 Nov 2017) – Suurtogal maaha in aanad aroorta hore dariiqa ku arkin, weliba xaafadaha Soomaalidu u badantahay, dhululubooyin yaryar (cylinders) oo marka aad dusha ka aragto la moodo qasharka rasaasta, midabkooduna yahay cadaan dhalaalaya. Dhululubooyinkan waxa ku jira ‘Nitrous Oxide’ oo loo yaqaano ‘Laughing Gas’ ama Gaasta Qososha, laakiin waxa isweydiin leh maxaa loo isticmaalaa? Maxaase loo arkaa iyagoo dariiqa daadsan – sida sawirka ka muuqata? Dhib iyo dheefna maxay inoo leeyihiin?

Sida caadiga ah iibinta iyo isticmaalidda gaasta qososha may ahaan jirin wax sharciga ka soo horjeeda, laakiin markii 26kii May 2016 la dhaqangaliyay xeerka maandooriyeyaasha (Psychoactive Substances Act) waxay ka mid noqotay kuwa la mamnuucay inkastoo bishii August 2017 ay maxkamaddu daadafeysay dacwad la xidhiidhay gaastan,ayna sheegtay in aanay ka mid ahayn kuwa la joojiyay oo aanu xeerkaasi qabanayn. Taa macnaheedu waa in qofka imika isticmaala ama iibiya gaastan aanu qaadin tallaabo sharciga ka soo horjeedda.

Sida caadiga ah gaasta qososha waxa lagu isticmaalaa cusbitaalada lagu daweeyo ilkaha iyo kuwa ay dumarku ku umulaan, laakiin waxa jira dad si qaldan u istcmaala oo dhalinyaro u badan.

 

gaasta-qososha
Nitrous Oxide oo loo yaqaano Gaasta  Qososha (Laughing Gas)

 

Dhalinyaradu marka ay qaadanayaan waxay gaasta u gudbiyaan ama ku shubaan balloon, kaasoo intay afuufaan ay ka soo nuugaan, waxayna ka dhigtaa qof mirqaansan oo aad u dabacsan ama farxaan ah – waana sababta loogu bixiyay ‘Gaasta Qososha’.

Saraakiisha caafimaadku waxay sheegeen in mirqaankeedu aanu ahayn mid wakhtigiisu dheeryahay, laakiin wuxuu keeni karaa khatar ama caafimaad darro. Waxay keentaa dawakhaad, isku-dheelitirnaan la’aan ama miisaanka socodka oo qofka ka luma, qofka oo isku darsama ama wax kala garanwaaya, codka oo ka bedelma iyo in ay wax u khaakhaayiraan ama uu wax aan jirin arko, iyo qosol goos-goos ah. Sidoo kale, dadka qaar waxay isla markiiba ku keentaa madax xanuun aan caadi ahayn.

Dhakhaatiirtu waxa kale oo ay sheegeen in waxyeeladeedu ay sii badato marka iyadoo mirqaankeedii aanu weli qofka ka bixin uu haddana ku daro ama isla markaana isticmaalo mukhaadaraad kale ama khamri, iyo marka meesha lagu nuugayo ay tahay meel hawadu ku yartahay.

Waxyeelada ugu xun ee ay keeni kartaa waa caafimaad darro dhinaca maskaxda ah, suuxdin ama dhimasho. Bishii January ee sannadkan waxa magaalada Bristol ku dhintay nin da’diisu ahayd 24 oo xirfadiisu ahayd cunto kariye (chef), kadib markii uu qaatay gaasta qososha. Waxaana baadhitaan dhakhaatiirtu ku eegaysay sababta dhimashadiisa lagu ogaaday in uu u dhintay maskaxda oo ay ogsijiintii ka yaraatay kadib markii uu gaasta qososha nuugay.

Haddaba waxa haboon in dhalinyarada lagala taliyo waxyabaaha caafimaadkooda dhaawacaya iyo in aan la dhayalsan khatarta iyo waxyeelada mukhaadaraadka. Waxa hubaal ah in marar badan aad aragtay dhalinyaro balloon afuufaysa oo dariiqa socda ama meel fadhiya, waxaana laga yaabaa in aad isweydiiso waa maxay nimankan sidii ciyaalka cinjirka afuufaya, laakiin aanad marna is odhan waxa ay nuugayaan waa maandooriye.

Waa muhiim in ay waalidiintu carruurtooda la socdaan, mar kasta feejignaadaan oo ay bartaan calaamadaha lagu garto qofka maandooriyeyaasha isticmaala ama alkahool qaata. Waalidiintu waa in ay la sheekaystaan ilmahooda oo ay fahmaan isbedelada ku dhacaya iyo xaaladaha ay ku suganyihiin. Ilmuhu marka ay soo qaangaadhayaan jidhkooda iyo dabeecadooduba way isbedeshaa, laakiin marka ay maandooriye isticmaalaan waxa badata baahidooda, mar walbana lacag ayay u baahanyihiin oo ay waalidka weydiistaan; dabeecadooda ayaa isbedesha waxayna yeeshaan cadho ama aamusnaan aanay lahaan jirin, waxaana laga yaabaa in ay asxaab cusub raacaan; waxa kale oo dhacda in ay marwalba yihiin kuwo aan firfircoonayn oo hurda ama jiifa, waxaana ka luma rabitaankii cuntada iyo waxqabashada.

Waxaase fiican in waalidku si deganaansho ku jirto u wajaho marka ay dareemaan ama ay u cadaato in ilmahoodu uu maandooriye isticmaalo, iyo in ay doontaan caawimo ku haboon – inkastoo waalidiinta Soomaalida badankoodu ay qarsadaan.


Abdi O. Mohamed – @AbdiOBoobe

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s