BSMG (05 Nov 2017) – Marka laga sheekaynayo taariikhda Soomaalida Geeska Afrika waxa badanaa laga hadlaa marxaladihii kala duwanaa ee ay noloshooda iyo dhaqan-dhaqaalahoodu soo mareen, gaar ahaan intii aanu gumaystihii reer Yurub iman iyo wixii ka dambeeyay, markii uu yidhi madaxbanaani ayaan siiyay, iyo xukuumadihii kala duwanaa ee soo maray intii u dhexaysay 1960kii ilaa 1991kii, iyo dib-ula-soo-noqoshadii maddaxbanaanida Somaliland ee 18kii May 1991kii iyo intii ka dambeysay (ama ilaa iyo wakhtigan la joogo). Xukuumadahaa waxa ka mid ahayd xukuumaddii milateriga ahayd (1969 – 1991) ee dibedda ka keentay habkii shuuciga ahaa ee ay u bixiyeen ‘Hantiwadaagga Cilmiga ku Dhisan’, kaasoo ka soo horjeeday diinta Islaamka oo ay Soomaalidu haysato – laguna tilmaamo in 100% ay Muslimiin yihiin – iyo dhaqankooda soojireenka ah.
Dhaqaalaha iyo horumarka bulshadu wuxuu ku xidhanyahay sida ay uga manaafacaadsadaan deegaanka ay ku noolyihiin, baahidooda u maareeyaan, hab-dhaqmeedkooda iyo sida ay u xalliyaan arrimaha iyaga u gaarka ah iyo kuwa ay la wadaagaan bulshooyinka kale. Soomaalida waxa lagu sheegaa in badankoodu ay ahaan jireen reer-guuraa xoolo dhaqato ah, beeralayduna ay waayadii hore ku yarayd, oo xidhiidh ganacsi weligoodba la lahaa bulshooyinka kale iyo xadaaradihii caalamka soo maray, sida Faraaciinta iyo Shiinaha, iyo Carabta – gaar ahaan wakhtigii maamulkii Islaamku uu ahaa quwadda keliya ee carro edeg ka talisa.
Haddaba habkii shuuciga ahaa ee hagayay siyaasadii iyo hanaankii maamulka xukuumaddii milateriga ahayd wuxuu ahaa mid ka soo horjeeday oo aan marnaba la falgeli karin dhaqan-dhaqaalihii bulshada iyo hab-nololeedka iyo dhaqanka wanaagsan ee diinta Islaamku farayso. Dhacdadii qadhaadhayd ee 1975kii iyo dilkii culimadii tobanka ahayd ayaa tusaalle fiican noqon kara.
Teeda kale, markii ay xukuumaddu dhaqangelisay fikirkii dhaqaalaha ee mabda’a shuuciga ah ku salaysnaa, waxay bilowday in ay la wareegto hantidii dadweynaha ama wixii shakhsigu gaar u lahaa – sida beeraha, dhulka iyo warshadihii yaryaraa, iwm; waxaana la odhan jiray waa la “qarameeyay” oo macnaheedu ahaa dawladda ayaa qaadatay, cidina wax kama weydiin karto, qofkii su’aal ka keena wuxuu mutaysan jiray ciqaab iyo xabsi. Taasina waxay keentay in wax-soosaarkii iyo dhaqaalihii bulshadu uu noqdo mid aan isku dheelitirnayn, waayo dadkii beeraha lahaa waxay ku qasbanaayeen in dalagga u soo go’a ay dawladda qiime aad u jaban kaga iibiyaan. Waxaana la odhan karaa habkii shuuciga ahaa wuxuu isla markiiba saamayn ku yeeshay nolol-maalmeedkii iyo dhaqan-dhaqaalihii dadkii beeralayda ahaa iyo kuwii magaalooyinka deganaa – inkastoo la odhan karo reer miyiga iyo xoolo dhaqatada saamayn badan kumuu yeelan, waayo geelooda ayaa badbaadiyay.
Hantiwadaagga cilmiga ku dhisan ama ‘Marxism-Leninism’ marna muu soo jiidan reer miyiga, wayna ku adkaatay in laga dhaadhiciyo. Xukuumaddii milateriga ahayd waxay qaaday tallaabooyin ay doonaysay in ay shuuciyadda ku gaadhsiiso reer miyiga iyadoo hirgalinaysa barnaamij ay ku magacawday “Ololaha Horumarinta Reer Miyiga”. Barnaamijkaas waxa ka qaybqaatay ardaydii dugsiyada dhexe iyo sare, kuwaas oo sannad dugsiyeedkoodii 1974 – 1975 ku qaatay in ay reer miyiga soo baraan akhriska iyo qoritaanka af-Soomaaliga. Maxaa keenay in la yidhaahdo reer miyiga ha la baro akhriska iyo qorista af-Soomaaliga oo gebigiisaba la qoray 1972kii?
Su’aashaa jawaabteedu waxay noqon kartaa, weliba si adag loogu doodi karaa, ololuhu wuxuu ka mid ahaa waddooyinkii la doonayay in lagu hanto maanka iyo quluubta reer miyiga iyo in ujeeddada ka dambeysay ay ahayd in hadhow laga dhaadhiciyo habkii hantiwadaagga ahaa ee wax lagu maamulayay, hantidii dadkana lagula wareegay. Waayo waxa qoraal ahaan lagu gudbiyo aad bay u faafaan, bulshadana saamayn ayay ku yeeshaan iyo iyadoo uu jiilba jiilka ka dambeeya u gudbiyo – ama waa la kala dhaxli karaa.
Siday doontaba ha ahaatee, ‘Marxism-Leninism’ may lahayn siyaasad dhaqaale oo u qalanta, lana fal-geli karta ama horumarin karta nolosha, wax-soosaarka iyo dhaqaalaha reer miyiga. Christopher Clapham oo arrimahan ka faallooday ayaa buuggiisii ‘The Horn of Africa: State Formation and Decay’ ku sheegay in sababta ay taasi ku dhacday ay tahay in ay “adagtahay in hasha la qarameeyo”.
Sidaa daraadeed, reer miyiga iyo xoolahooduba, weliba geelu, waxay hormood ka ahaayeen sababihii keenay in shuuciyaddu dhicisowdo oo ay ka hanaqaadi weydo Geeska Afrika – gaar ahaan deeganada ay Soomaalidu degantahay. Runtii hashu may diidin oo keliya in la qarameeyo, laakiin waxa kale oo ay diiday in xag-jir laga dhigo oo ay raacdo nimanka fikradaha qaldan dhulal qalaad kala yimaadda.
Haddaba su’aasha isweydiinta lihi waxay tahay, ma laga yaabaa in hashu ay dimuqraadiyadda iyadana iska daadafeyso oo ay ka gilgilato, mise iyadaaba markeedii hore dimuqraadi ahayd? Maxayse ka yeeli doontaa doorashooyinka Somaliland?
Khalid Qodax oo su’aalahan kaga jawaabay dood ka socotay barta bulshada ee Facebook ayaa sheegay in hashu ay halbeeg u noqon karto marxaladaha kala duwan ee nolosha Soomaalidu soo martay. Wuxuuna yidhi: “Soomaalidii hore, tii dhexe iyo ta maanta waxbaa mideeya, wax badanna wey ku kala tagsan yihiin. Saddexdaas marxaladood waxa laga dheegi karaa amuuro yaab leh oo ku saabsan “dimuqraadiyadda iyo ninka Soomaaliyeed”. Hasha ayaana beeg u noqon karta oo nolosha dhabta ah ee labada marxaladood ee hore lagu garan karaa.”
Qaar ka mid ah aqoonyahanada ka faallooda ee dersa dhaqamada bulshooyinka iyo halkay ka soo tafiirmeen (ama ku takhasusay cilmiga anthropology) ayaa ku dooda in aan Soomaalida dimuqraadiyad la bari karin, waayo iyagoo xoola dhaqato reer guuraa ah, iyo iyagoo markooda horeba shakhsiyan dimuqraadi ah, xuquuqo badan oo nidaamka dimuqraadiga ahi qabana ay dhaqankooda ku jiraan. Laakiin marka dhinac kale laga eego, waxa dimuqraadiyadda ku jira waxyaabo badan oo dhaqankeena lid ku ah. Waxaan shaki ku jirin in ay aad u adagtahay ama aanay suurtogal ahayn in nidaam meel kale laga soo xawilay uu dhaqanka Soomaalida la falgalo oo iyaga lagu maamulo.
Xuseen Gadaawe oo isaguna arrintan fikirkiisa ka dhiibtay ayaa sheegay in “Taariikhda soomaaalida, tii hore, dhexe iyo dambe … in aanay marnaba dhicin, suurana galin in Soomaalidu u hogaansamaan nidaamada loosoo dhoofiyey … Hase yeeshee waxa jira laba hab-dhaqan ama nidaam oo bulshada soomaalidu u hogaansamaan: Islam iyo Qabiil.”
Xaqiiqdii, nidaamka qabyaaladdu waa seef laba af leh. Marka sida wanaagsan loo isticmaalo, sida taakulaynta ehelka iyo taageeridda dadka taagta ama tabarta daran, seefta qabyaaladdu way kuu shaqaynaysaa oo way ku caawinaysaa; laakiin marka sida qaldan loo isticmaalo way ku dhaawacaysaa, waana ta Soomaalida la hadhay ee ku keentay dib-u-dhac saamayn weyn ku yeeshay noloshooda iyo horumarkooda.
Teeda kale, waxaan su’aali ka taagnayn in nidaam la soo dhoofiyay aanu marna la falgalayn diinta iyo dhaqanka Soomaalida, iyaguna aanay u hoggaansamayn. Haddiise ay diinta si fiican ugu dhaqmaan, wax kaleba looma baahdeen inkastoo ay u eegtahay in aan weli si fiican loo fahmin – gaar ahaan dhinaca maamulka iyo hoggaaminta; mayal-adaygnimada iyo xag-jirnimada ayaa iyaguna waayadan dambe keenay jahawareer siyaasadeed iyo mid bulshaba.
“Hashu xagjirkii may diidine si fiican bay u qaadatay,” CabdiXakim Axmed ayaa sidaa sheegay. “Waayo waa iyadii [hashii] awoodda ugu wayn ee maanta la loodin la’yahay.”
“Inta badan deegaanada afka Soomaaliga ku hadlana waxa hurmuudka u ahi waa hashiiyoo koodh xiran. Doorashada Somaliland iyo xukuumadda hadda curdinka ah ee Somalia – marka [Somali]landka laga reebo – waxa walaaqayaa waa hashii. Dimoqradiyadana ayadaa hormuud u ah oo ilbaxnimo ka dayaysa.”
Haddaba haddii sidaa CabdiXakiim sheegay ay hashu xag-jirnimada iyo dumuqraadiyadda labadaba hormuud u tahay, markaa natiijada ka soo baxdaa miyaanay dib u dhac iyo dhaawac kii hore ka khasaare badan bulshada soo gaadhsiin karayn?
Cali Maxamed ayaa isagu qaba in mabda’yada ay hashu qaadan karto uu ku xidhanyahay summadeeda. Wuxuuna hoosta ka xariiqay “… in hashu ay diidi doonto dimoqraadiyadda sidii ay u diiday shuuciyadda, waayo nooca dimoqraadiyadda ee hashu qaadan karto wuxuu ku jiraa meel kale.”
“Hasha ka gadooday mabda’yadan, waxay ila tahay, waxay ahayd midaan suntanayn ee hadday sumad lahaan lahayd, waxay ila tahay inaysan gadoodeen. Waayo markaas mabda’a iyo dhaqankii hashu lahayd baa is waafiqi lahaa,” ayuu hadalkiisii ku soo gunaanaday.
Waxaan marnaba muran ka taagnayn in casharo badan laga bartay diidmadii iyo haraatidii ay hashu ku dhufutay iyo sidii ay isaga difaacday mabda’ii shuuciga ahaa. Waxaana la odhan karaa waa sababta keentay in la xaqiijiyo in habkii nabadaynta Somaliland uu noqdo mid ku dhisan dhaqankeena iyo diinteena Islaamka. Iyadoo taa laga midho dhaliyay, haddana waxaad moodaa in maamulkii iyo siyaasaddii wax lagu hoggaaminayay ee dimuqraadiyadda ku salaysnaa aanay ilaa iyo imika si fiican dhaqankeenii ula falgalin; mararka qaarkoodna waxaad moodaa in ay kala didayaan oo uu gacan-ka-hadal si fudud ku dhici karo – inkastoo marka dhinaca togan laga eego ay taasi la xidhiidho hab-dhaqanka dimuqraadiyadda Somaliland.
Geedi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland kuma xidhna oo keliya sida la isu qabadsiiyo dhaqankeena iyo habka dimuqraadiga ah ee aynu soo amaahanay, weliba intiisa wanaagsan, laakiin waxa kale oo uu ku xidhanyahay saameynta uu ku yeesho iyo isbedelka horumarineed ee uu bulshada u keeno, gaar ahaan xoolo dhaqatada iyo reer miyiga.
Doorashashada maddaxtinamada Somaliland ee foodda inagu soo haysa (13ka November 2017) waxay sii adkaynaysaa oo keliya dimuqraadiyadda Somaliland ee hanaqaadka ah. Hase yeeshee, hashu in ay aqbasho hanaanka dimuqraadiga ah waxay ku xidhantahay oo lagu cabiri karaa sida uu hoggaanka siyaasiga ahi wax uga qabto ee uu u horumariyo deegaanka iyo nolosha reer miyiga.
————
Wixii su’aal iyo talo ah la xidhiidh A. O. Boobe – @AbdiOBoobe
Maqaalkani wuxuu ka yimid qoraal kooban oo aan boggayga Facebook asxaabta hore ugula wadaagay, iyaguna ay afkaartooda ka dhiibteen.