23 June 2014
Joojinta qaadka: Wadashaqaynta hay’adda Safer Bristol iyo bulshada Soomaaliyeed
Hay’adda Safer Bristol waxay bulshada Soomaaliyeed ee magaalada ku nool kala sii shaqaynayasay sidii loo maarayn lahaa saamaynta joojinta qaaadku bulshada ku yeelanayo marka ay berri (24 June) dawladdu go’aankeedii dhaqan geliso
Qaadku waa geed firfircooni geliya unugyada jidhka. Dhaqan ahaan qaadka waxa badanaa isticmaala ragga Soomaalida, Yamanida, Keenyaatiga iyo reer Jabuuti marka ay marfishyada ku sheekaysanayaan – marfishyadu waa guryo ama goobo raggu ku qayilaan, kulmaan, kuna sheekaystaan ama ku go’aamiyaan arrimaha bulshada. Maadaama uu qaadku yahay maandooriye dhaqan ahaan lagu sheekaysto ama la isku waraysto saacado badan ayaa loo fadhiyaa oo la qayilaa.
Qaadku wuxuu qofka cuna ka dhigaa mid feejigan oo hadal badan, marka dhowr saacadood loo fadhiyo xasilooni iyo deganaansho ayuu qofka u keenaa, sidoo kale cunto xumo iyo hurdo la’aan ayuu keeni karaa.
Peter Anderson, Maareeyaha Adeega Dembiyada iyo Isticmaal-Xumida Maandooriyeyaasha (Service Manager for Crime and Substance Misuse) wuxuu yidhi: “Daka qaadka isticmaala qaarbaa muddadiiba mar cuna, halka ay qaarkalena maalin walba cunaan. Marka loo eego maandooriyeyaasha kale ee waxyeelada leh, 5% ayaa laga soo qaadaa dadka sida xun u istaacmaala ee u baahda in laga caawiyo sidii ay u joojinjin lahayeen. Maandooriyeyaal kale inay ku badalaan ayaa laga baqaa. Dadka u baahan in laga caawiyo waxyeelada mukhaadaraadka waxaanu u tilmaamaynaa adeegyada loogu talogalay ee u dhow ama ay soo gaadhi karaan si ay u helaan taageerada ay ubaahanyihiin.”
Wellspring Healthy Living Centre oo ku yaala xaafadda Lawrence Hill waxay bulshada Soomaaliyeed siiyaan adeegyo dhanka caafimaadka ah, waxaana ka shaqeeya Soomaali, lab iyo dhedigba leh (Somali male and female Wellbeing Support Workers). Waxaad ka helaysa taageero koox ahaaneed iyo mid gaar ahaaneed.
Safer Bristol waxay kaalmo dhaqaale siisay hay’adda ROADS (Recovery Orientated Alcohol and Drugs Service) oo bixisa adeegyo kala duwan oo loogu talogalay in ay wax ka qabtaan ama hoos u dhigaan waxyeelada maandooriyeyaasha sida xun loo isticmaalo ay qofka, qoysaska iyo bulshada u keenaan. ROADS waxay imika la shaqaynaysaa bulshada Soomaaliyeed, iskuna dayeysaa in ay si qoto-dheer u deristo baahidooda iyo in ay keenaan shaqaale xirfad u leh af-Soomaaliga. GP-yada ayaa sidoo kale caawimo iyo taageeraba laga heli karaa.
Dumarka Soomaaliyeed ee Bristol – 10, 000 oo Soomaali ayaa magaalada ku nool – ayaa si balaadhan u soo dhaweeyay joojinta qaadka, waxayna yidhaahdeen isticmaalida qaadku waxay sii kordhisay gacan-ka-hadalka iyo xadgudubyada guryaha ka dhaca waayo marka ay raggu asxaabtooda la soo qayilayaan wakhti dheer ayay guryahoodii ka maqnaadaan. Maadaama isticmaalka qaadku uu hurdo la’aan keeno, waxay saamayn ku yeelan kartaa xidhiidhka ka dhexeeya qofka qaadka cuna iyo qoyska intiisa kale. Ciidanka amaanku wuxuu ku qiyaasay dadka qaangaadhka ah ee Bristol qayilaa in 5-10% (boqolkiiba shan ilaa toban) ay dumar yihiin, halka 80% (boqolkiiba siddeetan) ay rag yihiin.
Joojinta qaadka macnaheedu waxay tahay in laga dhigay heerka C (class C) iyadoo la raacayo Xeerka Isticmaal-Xumida Maandooriyeyaasha 1971 (the Misuse of Drugs Act 1971). Heerkani waa ka ugu waxyeelada yar maandooriyeyaasha la xaddiday (heerka A [class A] waa ka ugu waxyeelada badan) wuxuuna qaadka kala mid dhigayaa maadooriyeyaasha kale ee heerka C ee la xaddiday sida ketamine iyo GHB.
Haysashada maandooriyaha heerka C waa fal-dambiyeed, ciqaabteeduna ugu badnaan waa ilaa laba sannadood oo xadhig ah iyo ganaax. Ka ganacsigeeduna waa ilaa 14 sannadood oo xadhig ah iyo ganaax.
Ciidanka amaanku waxay isticmaali doonaan hab digniineedka xashiishada (cannabis) mid la mid ah. Qofkii qaad lagu qabto marka ugu horeysa waxa la siinayaa digniin, taasina uma galayso diiwaanka dembiyada (criminal record). Marka labaad waa £60 oo ganaax ah, qofka mar saddexaad lagu qabto waa xadhig.
Ilaa iyo sannad ka hor markii ay Dawladdu ku dhawaaqday in ay wado qorshe ay qaadka ku joojinayso, hay’adda Safer Bristol kooxda u qaabilsan isticmaal-xumida maandooriyeyaasha (Safer Bristol’s Substance Misuse Team) waxay si wadajir ah ula shaqeynaysay bulshada Soomaaliyeed. Marka laga reebo caafimaadka, muhiimadoodu waxay ahayd in ay helaan hababka ugu wanaagsan ee lagu horumarinkaro waxbarshada, tababarka iyo fursadaha shaqo ee ganacsadayaasha iyo kuwa isticmaalaba.
Golaha Deegaanku wuxuu imika bulshada Soomaaliyeed kala shaqaynayaa sidii ganacsatada qaadka loogu tilmaami lahaa adeegyada ugu haboon ee taageera shaqada iyoi ganacsiga si looga caawiyo isbedalka dhinaca sharciga ee qaadka, kaasoo imika sharcigu ogolyahay laakiin noqondoona maandooriye sharcigu xaddiday.
Dadka qaadka isticmaala – waliba kuwa luqadoodu Ingiriisku aanay u wanaagsanayn sida kuwa ganacsatada – muhiimadooda ugu weyni waa in laga caawiyo in ay helaan koorasyo dhinaca luqadda ah (English language courses) si fursadahooda shaqo ay u wanaagsanaadaan. Dadka aan shaqayn wax lacag ah lagama qaado haddii ay koorasyadaa helaan.
Bristol Somali Resource Centre wuxuu ku yaalaa xaafadda Barton Hill wuxuuna bixiyaa macluumaad iyo talo-bixin, tababaro lagu kobciyo fursadaha shaqo raadinta iyo shaqaalaynta iyo mashaariic ay bulshadu iskaa-wax-u-qabso kaga shaqayn karaan. Waxay ka caawiyaan qoritaanka CV-yada, shaqo raadinta, waxay bixiyaan adeegyo dhinaca computerada (IT) oo bilaash ah iyo iyagoo bulshada u hadla. Cabdullaahi Faarax oo xaruntan ka tirsan wuxuu yidhi: “Imikaba, ama wakhtigan aynu joogno waanu caawinaa dadka qaadka cuna; waanu ognahay dhibaatada qaadka la xidhiidha. Waa hawl balaadhan oo aan fududayn, waxaynu u baahanahay in aynu kawada shaqayno.”
Peter Anderson wuxuu yidhi: “Way adag tahay in si buuxda loo saadaaliyo saameynta joojinta qaadku ay bulshada Soomaaliyeed ku yeelan doonto iyadoo aan la dhaqan gelin, laakiin bulshadu door firfircoon ayay ka ciyaartay xal-u-helista arrimahooda.”
Dhamaad
Macluumaad dheeraad ah haddii aad u baahantahay fadlan la xidhiidh Hilda Kalap mas’uulka arrimaha saxaafadda (Media Officer) – telefoon lambar: 0117 903 7953 ama email hilda.kalap@bristol.gov.uk
Farriin ku Socota Tafatirayaasha:
Safer Bristol
Shaqadayadu waa in Bristol aanu ka dhigno mid magan gelisa, amaan uah dadka degan iyo kuwa soo booqda. Iyadoo hay’adaha kale ay wadashaqayni naga dhaxayso, waxaanu mas’uul ka nahay xidhiidhinta hawlaha wax ka qabta waxyeelada fal-dambiyeedyada iyo maandooriyeyaashu bulshada gaadhsiiyaan.
Bristol Somali Resource Centre
BSRC waa hay’ad u diiwaan gashan in ay dadka caawiso, waxaa la furay 2008 si loogu caawiyo dadka waddanka ku cusub. BSRC waxay bixisaa macluumaad iyo talo-bixin la xidhiidha arrimaha bulshada, guriyaynta, xuquuqda deganaashaha waddanka, dugsiyada waxbarashada iyo shaqada. Ujeeddada hay’addu waa in bulshada Soomaaliyeed ee xaafadda degan codkooda la maqlo iyo in is-dhexgalka bulshooyinka la dhiiri-geliyo.
Adeegyada Caawiya Isticmaal-Xumida Maandooriyeyaasha:
- Wellspring Healthy Living Centre, Beam Street, Bristol BS5 9QY ama Tel: 0117 304 1415
- Mashruuca Maandooriyeyaasha ee Bristol (Bristol Drugs Project) wuxuu bixiyaa adeegyo kala duwan oo wax lagaga qabto sidii loo yarayen lahaa dhaawaca maandooriyeyaasha iyo dhibaatooyinka khamrigu ku hayo qofka, qoysaska iyo bulshooyinka. Bristol Drugs Project ujeedadiisu waa dhimista waxyeelada, taageerista isbedelka, wax ka qabashada cadaalad darrada iyo kobcinta awooda qofka.
BDP waxa lagala soo xidhiidhi karaa cinwaanka No.11 Brunswick Square, Bristol, BS2 8PE ama khadka telefoonka caawimada 0117 987 6000.
BDP waxay awood u leedahay inay kuu gudbiso ROADS (Bristol’s Recovery Orientated Alcohol and Drug Service)
- Hay’adda Developing Health & Independence (DHI) waxay kuula diyaartahay talo-bixin iyo macluumaad qofka u gaar ah iyo taageero koox ahaaneed oo loogu talogalay qoysaska ay saamaysay isticmaal-xumida maandooriyeyaasha, kuwaas oo qaadku uu ku jiro. Waxay kaloo dhiirigelin iyo tababar siin doonaan qoysaska si ay isku taageeraan iyagoo bulshadooda ku dhex nool. Macluumaad dheeraad ah ama caawimo haddii aad u baahan tahay fadla wac lambarkan: 0117 916 6588
Xadgudubyada Dumarka/Guryaha
- Marka maandooriye la joojiyo, sharcigu uu xaddido waxay kordhin kartaa dhacdooyinka gacan-ka-hadalka leh ama xadgudibyada dumarka lagu hayo ee guryaha ka dhaca. Next Link waxay diyaar kuu la tahay adeegyo taageero ha iyo guri amaan ah oo loogu talo galay dumarka iyo caruurta ay arrimahani la soo dersaan. Adeegyadan qaarkood waxay gaar u yihiin dumarka ka soo jeeda jinsiyadaha madowga iyo bulshooyinka laga tirada badanyahay.
Haddii aad u baahan tahay macluumaad dheeraad ah oo adeegyadaa ku saabsan fadlan la soo xidhiidh Next Link – telefoon labmar: 0117 925 0680 ama text 07714 290 011