Abdi O. Mohamed – Haddii si sahlan su’aashan looga jawaabo, dad badan oo bulshada Soomaaliyeed ka mid ah ayaa dareensan in ay qayb laxaad leh ka qaadan karaan codka dadka madowga iyo kuwa laga tirada badanyahay oo la filayo inuu natiijada doorashada bisha May dhacaysa saameyn weyn ku yeelan karo. Laakiin haddii jawaab faahfaahsan laga bixiyo waxa la fahmi karaa sida uu codkoodu isbedel u keeni karo.
Dadka isirkoodu Soomaalida ka soo jeedo ee Bristol degan ayay tiradoodu si aad ah u korodhay shan iyo tobankii sannadood ee la soo dhaafay, imikana waa dadka ugu faraha badan bulshooyinka soo haajiray ee magaalada ku nool. Sidoo kale waxa la cadeeyay in tirada dadka Soomalida ah ee codeeyaa ay labalaabantay. Waxaana lagu doodi karaa in codkoodu uu door weyn ka ciyaari karo natiijada doorashada guud ee bisha May dhici doonta – iyo ta golaha deegaanka ee qaybo magaalada ka mid ah ka dhici doonta.
Warbixin ururka Operation Black Vote soo saartay sannadkii 2013dii ayaa lagu cadeeyay in codka dadka madow uu ka badanyahay codkii ay heleen xildhibaanadii golaha wakiiladda (MPs) ee 2010kii Bristol laga doortay. Tusaale ahaan degmooyinka Bristol East iyo Bristol West, halkaas oo ay Soomaalida badankeeedu degantahay, codka dadka madow iyo kuwa laga tirada badanyahay wuxuu ahaa 16.40% and 25.50% – sida ay u kala horeeyaan. Waxa kaloo iyana muhiim ah in warbixinta lagu ogaaday in dadkaa kuwa ugu badani ay yihiin Afrikaan, kooxda ugu badani waa Soomaali sida Golaha Deegaanka Bristol ku cadeeyay warbixintii laga soosaaray Tirakoobkii 2011. Sidaa daraadeed waxa suurtogal ah in codka Soomaalidu uu qayb laxaad leh ka qaato isku dheelitirka awoodda siyaasadeed ee doorashada dhici doonta 7da May 2015.
Hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaaliyeed ayaa aaminsan in ay yihiin awood aan la dhayalsan karin. “Codayntu waa muhiim,” ayuu yidhi Siciid Buraale, oo ka mid ah guddida Bristol Somali Forum. “Waa waajib in ay Soomaalidu codayso, waayo waxay tusaysaa in Soomaalidu cod leedahay oo ay awoodda siyaasadeed go’aan ku yeelan karaan.” Khaliil Cabdi oo ka mid ah dadka bulshada u dhaqdhaqaaqa aya isna yidhi, “waa muhiim in ay Soomaalidu ka qaybqaadato habka siyaasadda waddankan si xal loogu helo arrimaha ka hortaagan in ay dadka wax la qaybsadaan oo bulshooyinka kale ay isfahmaan.”
Tani waxay tusmo u tahay in bulshada Soomaaliyeed oo lagu yaqaano inay siyaasadda aad u xiiseeyaan oo ay mar walba ka hadlaan, gaar ahaan tii waddamadii ay ka yimaadeen, ay maanta garwaaqsatay muhiimadda ay leedahay in siyaasadda waddankan laga qaybqaato. Arrintani waxa kale oo ay caddeynaysaa in tirada dadka Soomaalida ah ee codeeyaa ay sii badan doonto waayo ujeeddadoodu maaha oo keliya in ay ku dhaqmaan ama isticmaalaan waxa ay sharci ahaan xaq u leeyihiin, laakiin waxa kaloo ay tahay in ay go’aan ku yeeshaan isbdelka dhacaya.
“Soomaalidu waa inay codaysaa, waa inay isticmaalaan waxa ay sharci ahaan xaq u leeyihiin, waana inay codkooda muujiyaan,” sidaa waxaa tidhi Ruqiya Xasan. “Sidoo kale waa inay fahmaan sidii ay siyaasiyiinta ama saraakiisha la doortay ula xisaabtami lahaayeen. Dad badan ayaa jecel in ay dacwoodaan ama cabasho muujiyaan, laakiin ma garanayaan sidii ay u sameyn lahaayeen.” Ruqiya waa 18 jir waxayna diyaar u tahay in ay markii ugu horeysay codayso oo ay ka qaybqaadato doorashada dhacaysa 7da May. “Hooyaday iyo qoyska intiisa kaleba waxay u codeeyaan xisbiga Labour, laakiin anigu waxaan doonayaa in aan marka hore ogaado waxa ay xisbiyadu la shiryimaadaan; maadaama aan ka mid ahay da’yarta Muslimiinta ma heli karo shaqo wanaagsan waayo cunsiriyad diimeed (Islamaphobic) darteed. Waxbarasho jaamacadeedna imika lama goyn karo.”
Caqabado badan ayaa Soomaalida hortaagan, kuwaas oo lagu tilmaamay inay keeneen horumar la’aan dhinaca isfahamka bulshooyinka iyo isdhexgalkaba ah. Caqabadaha ugu waaweyn ee ay bulshadu aad u tilmaantay waxa ka mid ah shaqo la’aan, waxbarashada iyo tababarada, adeegyo caafimaad oo dhaqan ahaan baahidooda daboola, iyo cunsiriyad diimeed. Si kastaba ha ahaatee waxaad moodaa in dad badani ay imika fahmeen in sida ugu haboon ee arrimahooda wax looga qabankaraa ay tahay iyagoo sanduuqa codbixinta adeegsada oo codkooda isticmaala.
Qaar badan oo bulshada Soomaaliyeed ka mid ah ayaa niyad jab ka muujiyay hab-dhaqmeedka siyaasadda waayo wax kasta oo ay ka dacwoodaan ama ka cawdaan waxba lagama qabto. Dhinaca kale marka laga eegana dad badan oo codeeyaa waxay rumaysanyihiin in ay isbedel weyn keeni karaan. Xaaladda ay bulshaddu imika ku sugantahay waxa la odhan karaa ‘ceelna uma qodna, cidina uma maqna’ laakiin codkooda ayaa saamayn ku yeelan kara natiijada doorashada soo socota, iyagana ka dhigi kara inay noqdaan awood la aqoonsanyahay.
Abdi O. Mohamed – @AbdiOboobe
Source: The Bristol Cable