Dhalinyarada Bristol oo £500 ugu Deeqay Abaaraha Gobollada Bariga Somaliland

A. O. Boobe – Dhalinyarada reer Somaliland ee ku nool magaalada Bristol iyo Cardiff ayaa shalay ka qaybqaatay tartan kubadda cagta ah oo lacag loogu ururinayay dadka waxyeeladu ka soo gaadhay abaaraha ba’an ee ku habsaday gobollada bariga Somaliland.
Tartankan oo ay soo wada qaban qaabiyeen Cabdi Cali oo kamid ah hormuudka dhalinyarada Somaliland ee Bristol, ganacsade Yuusuf Warmahaye iyo ururka Bristol Horn Youth Concern, waxa ka qaybqaatay sideed kooxood – toddoba ka socday Bristol iyo mid ka yimid Cardiff.

received_10155069335277658
Cardiff player takes on Bristol defender – Somaliland youth

Fikirka ah in la qabto tartan noocan ah waxa iska lahaa dhalinyarada, waayo waxay ka damqadeen dhibaatooyinka iyo waxyeelada ay abaaruhu u gaysteen dadka iyo xoolahaba. Cabdi Cali isagoo ka hadlayay sida uu fikirkani ku yimid wuxuu yihiin: “Habeen anigoo daawanaya Horn Cable TV ayaa waxa soo galay barnaamij ka hadlayay abaaraha ku habsaday gobollada bariga Somaliland, waxaanan dareemay duruufaha adag ee ay dadkaygu ku jiraan iyo dhibaatooyinka abaaraha.”

“Waxaan maqlay in dadka magaalada [Bristol] degani ay lacag ururinayaan, waxaanan is weydiiyay jiilkayagu maxaan soo kordhin karnaa?

“Saaxiibkay Colaad Diiriye oo aan u soo bandhigay ayaa soo jeediyay in tartan kubadda cagta ah aannu qabano. Maadaama aannu toddobaadkiiba mar kubadda ciyaarno, waxaanu isweydiinay miyaanay fiicnayn haddii lacagta toddobaad keliya naga baxda, ee aannu kubadda ku ciyaarno, loogu deeqo dadka abaaruhu dhibaateeyeen?”

Cabdi Cali waxa kale oo uu hadalkiisa ku daray, “Kadib markii aanu fikradii isku raacnay, waxaanu isla markiiba ka hawlgalnay sidii aanu u heli lahayn cid tartanka maalgelisa. Nasiib wanaag waxa naloo tilmaamay oo aanu la xidhiidhnay Bristol Horn Youth Concern (BHYC) oo codsigayagii naga aqbashay.”

BHYC waxay ka mid tahay ururada bulshada ee ku hawlan horumarinta arrimaha dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Bristol iyo nawaaxigeeda. Guddoomiyaha ururka, Khaliil Aadan Cabdi, oo aanu wax ka weydiinay kaalinta ay ka qaateen iyo muhiimadda ay arrintani u leedahay, ayaa ku jawaabay: “Kadib markii aanu aragnay codsigii dhalinyarada ayaannu go’aansanay in aannu maalgelino, waayo waxay qaadeen tallaabo dhiirigelinaysa ka qaybqaadashada arrimaha khayriga ah. Teeda kale, waxay tusaalle u noqonaysaa dhalinyarada kale ee reer Somaliland iyo bulshada dhamaanteed.”

Dhalinyarada tartanka ka qayb qaadatay oo badankoodu yihiin arday ayaa soo ururiyay deeq-lacageed oo gaadhaysay £500, oo ay ugu talo galeen in la gaadhsiiyo walaalahooda ay abaaruhu waxyeeleeyeen.

Tartanka oo ka dhacay St Pauls Sports Centre ayaa ahaa mid aad u qurux badan, ciyaartoydii ka qayb qaadatayna ay ku soo bandhigeen ciyaaro qurux badan oo ay xirfad iyo asluubi ku dheehantahay. Ciyaartii kama dambaysta ahayd waxa gool-ku-laag (penalties) ku badiyay oo ay guushii ku raacday, koobkiina lagu guddoonsiiyay kooxdii ka socotay jaalliyadda Somaliland ee Cardiff.

received_10155069328157658
Somaliland Drought Football Tournament – penalties

Waxa kale oo xusid mudan natiijooyinka kale ee halkaa ka soo baxay, si toos ah iyo si dadbanba, ayna ka midyihiin isdhexgalka dhalinyarada, horumarinta caafimaadka dhalinyarada iyo xirfadaha xidhiidhka bulshada. Waxa kale oo muhiim ah, sida uu Cabdi Cali sheegay, “In jiilkayagu aanu ogaanay, lana socono, waxyaabaha ka dhacaya dhulkii hooyo; iyo in aanu sii adkaynay muhiimadda ay leedahay bixinta sadaqadu.”

received_10155069323477658
Mr Ali, Cardiff team captain, receives the charity trophy from Abdi Omar

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s