Ma ladeehay aqoon, xirfad, khibrad iyo karti dheeraad ah oo aad ku maareyso shaqada adduunyada ugu adag, uguna muhiimsan?
Shirkad la yidhaahdo Rehtom Inc waxay shaqaaleynaysaa Maareeye Guud. Waxyaabaha lagaaga baahanyahay inaad haysato ama khibradda u leedahay iyo waxa aad qaban doonto waxa ka mid ah:
- Taagni baad ku shaqaynaysaa (marnaba ma fadhiisanaysid)
- Marwalba dadaal dheeraad ah ayaa lagaaga baahanyahay
- Toddobaad kasta waxaad shaqeynaysaa in ka badan 135 saacadood, waana inaad diyaar u tahay inaad shaqayso 24/7
- Waa inaad haysataa shahaadooyin heer jaamacadeed ah oo ay ka mid yihiin dhakhtarnimo (medicine), maamulka iyo iyo maareynta dhaqaalaha (finance) iyo xirfadaha cunto karinta (culinary arts)
- Wax fasax ah ma lihid. Sannadkoo dhan waad shaqaynaysaa, xitaa iidaha iyo maalmaha kale ee dadku ay fasaxa yihiin
- Mushaharkuna waa $0.00
Dhowr toddobaad ka hor waxa internetka iyo jaraa’idka lagu xayeysiiyay shaqo muhiim ah oo ay akhriyeen ama eegeen in ka badan 2.7 milyan oo qof, laakiin waxa soo codsaday 24 qof oo keliya.
Imtixaanadii (interviews) laga qaaday iyo natiijadii cajaa’ibka ahayd ee ka soo baxday halkan hoose ka daawo