Codkaagu yaanu ku ciilin; dooro qofka dantaada ka shaqeynaya – Doorashooyinka Bristol May 2016

Tafatire (Editor) – Dadka reer Bristol waxay 5ta May u dareerayaan doorashadii maayarka ama Duqa Magaalada, waana markii labaad ee ay doorasho noocan ahi dhacayso – waxa kale oo isla maalintaa la dooran doonaa 70ka xildhibaan ee golaha deegaanka iyo hoggaamiyaha ciidanka amaanka (Police Crime Commissioner) ee gobolka Avon & Somerset. Haddaba bulshada qaar ka mid ah ayaa maalmahanba isweydiinayay habkan maayarnimadu siduu u shaqeeyay ama wax u qabtay, isbedel intee leeg ayuu keenay iyo hogaamiye noocee ah ayay u baahanyihiin in ay doortaan.

Bristol waxay maayarkii ugu horeeyay dooratay 2012kii, laakiin habkan maamulka maayarnimadu wuxuu keenay fursado iyo caqabado labadaba. Habkani wuxuu golihii siyaasadda magaalada laga hagayay ka dhigay mid ka maddaxbanaan isqabqabsigii iyo xafiiltankii xisbiyada siyaasiga ah. Dhinaca kalena, wuxuu bulshada deegaanka ka caawiyay in ay ogaaadaan oo gartaan cida magaalada ka talisa taasoo aan hore u dhici jirin. Warbixin sannadkii hore (2015) ay soosaartay jaamacadda Bristol ayaa sheegtay in “maayarkii dadku tooska u doorteen uu isbedel weyn ku sameeyay muuqaalkii hoggaanka magaalada.” Dhinaca kale marka laga eego, maayarkii la doortay wuxuu hoos u dhigay awoodii xildhibaanada golaha deegaanka. Xildhibaanadu “si taban ayay u arkayeen, halka hoggaamiyeyaasha bulshada, ganacsatada, iyo ururada bulshadu ay isku raaceen in hab-maamuleedka maayarnimadu uu dantii Bristol si fiican uga shaqeeyay.”

Si kastaba ha ahaatee, habka maayarnimadu danta bulshooyinka magaalada degan si siman oo isku mid ah ugumuu shaqayn. 

Warbixinta sannadlaha ah ee golaha deegaanka Bristol soo saarto, taasoo soo bandhigta tayada nolosha magaalada (Bristol Quality of Life Survey (2015 – 2016)) oo dhawaan la daabacay ayaa sheegaysa in 38% (halka ay sannadkii hore ka ahayd 40%) dadka deegaanku ay isku raaceen in maayarku uu hoggaamintii magaalada horumariyay.

Waxa werwer weyni weli ka taaganyahay hoos udhaca waxbarashada iyo fursad la’aanta carruurta iyo da’yarta ku nool xaafadaha ay u badanyihiin dadka danyarta ah iyo kuwa laga tirada badanyahay. Dugsiyada waxbarashada xaafadahan ku yaala waa kuwa ugu waxbarashada hooseeya. Tusaalle ahaan, bishii November ee sannadkii hore waxa maamulihii Dugsiga Hoose ee Easton (Easton Primary School) laga mamnuucay in ay dib uga shaqayso dugsiyada waxbarashada ama ay macalimad noqoto, waayo waxa lagu soo cadeeyay in ay gacanteeda ku hagaajisay oo ay kor u qaaday natiijooyinkii imtixaanaadkii ardayda (SATS); dugsiga sare ee City Academy Bristol ayaa isaguna sannadkii labaad ku jira heer ka sii hooseeya halkii laga filayay, waxaana la geliyay xaalad aan caadi ahayn oo hay’adda kormeerka waxbarashadu (Ofsted) si gaar ah uga warhayso. Labadan dugsi waxa wax kadhigta caruur faro badan oo Soomaali ah.

“Bulshadu weli werwer weyn ayay dhinaca waxbarashada ka qabaan,” sidaa waxa yidhi Siciid Buraale oo ka tirsan Bristol Somali Forum. “Dadku waa inay doortaan maayar wax ka qabanaya arrimaha waxbarashada iyo shaqo la’aanta faraha badan ee haysata dhalinyarada degan xaafado gaar ah oo magaalada ka mid ah.”

Run ahaantii, sinaantii iyo cadaaladii bulshada hoos-u-dhac weyn ayaa ku yimid – sidii horena way kasii dartay. Maanafeestadii ay sannadkii hore badhtamihiisii soo saareen ururada u adeega dadka madowga ah iyo kuwa laga tirada badanyahay waxay sheegtay in Bristol ayna “horumar ka samaynin dhinaca sinaanta iyo cadaaladda” iyo in “cunsuriyad badani ka taagantahay dhinaca hay’adaha maamulka” magaalada. Kiniisadaha Bristol ayaa iyaguna maanafeesto ay dhawaan soosaareen, uguna talogaleen doorashooyinka bisha May 2016 dhici doona, ku cadeeyay in “cunsuriyad aan hore loo arag ay hab-maamuleedka deegaanka” haatan ka jirto.

“Waxa loo baaahanyahay in si cadaaladi ku dheehantahay ay dadkoo dhami maamulka uga dhex muuqdaan,” sidaa waxa yidhi Khaliil Cabdi oo ah guddoomiyaha ururka Bristol Horn Youth Concern. “Waxaynu u baahan nahay in aynu doorano maayar ku-dhac leh oo u badheedha in uu wax ka qabto sinaan la’aanta haatan jirta; maayar wax ka qabta guri la’aanta magaalada ka jirta, cid walbana u sameeya fursado ay wax kula soo baxaan; maayar u shaqeeya oo wax u qabta dhamaan dadka reer Bristol.”

Gabadh codsatay in magaceeda aan la sheegin ayaa tidhi, “Wakhtiga keliya ee aan dareemo in aan bulshada ka mid ahay waa marka lagu jiro ololaha doorashooyinka, wakhtiga ay siyaasiyiintu albaabkayga soo garaacaan iguna qanciyaan in ay dhamaan dhibaatooyinka na haysta xalin doonaan haddii aan iyaga doorano.”

“Haddii aan ahay gabadh Soomaaliyeed, doorashooyinka golaha deegaanka iyo kuwa maayarku wax macno ah iima sameeyaan waayo siyaasiyiinta marka la doorto dib looma arko. Inkastoo aan rumaysanahay in ballantooda aanay ka soo baxaynin, haddana waan u codeeyaa – qaar badan oo ka mid ah asxaabtayda Soomaaliyeedna waa ila imid – waayo waxa aan rumaysanahay in la i ganaaxi doono haddii aanan codaynin.”

Tani waxay cadynaysaa in loo baahanyahay wacyigelin ku saabsan xuquuqda codeeyayaashu leeyihiin iyo sida ay siyaasiyiinta ula xisaabtami lahaayeen.

Ganacsade tukaan ku haysta Stapleton Road ayaa yidhi, “Markii lagu jiray ololihii doorashadii hore ee maayarka, George Ferguson dukaanka ayuu noogu yimid, wuxuuna naga codsaday in aan u codayno. Laakiin marna maanaan fahamsanayn sida aanu ula xisaabtami karno.”

“Dad badan ayaa aroorta hore dukaanka iman jiray si ay u isticmaalaan adeegyada aanu bixino – sida fax, daabacaada ama nuqulada waraaqaha (photocopying) iyo internetka – laakiin maalmahan dambe ma yimaadaan waayo ma helaan meel ay baabuurta dhigtaan. Waddada ma dhigan karaan inta ka horaysa 10.30 subaxnimo, sidaa daraadeed macaamiil badan ayaa iga tagay.”

Marka laga reebo qorshaha dadka xaafadda degani baabuurta ku dhigtaan (Resident Parking Zone) ee muranka badani ka taaganyahay, arrimaha dadka codeeya ay doonayaan in wax laga qabto waxa ka mid ah guri la’aanta, waxbarashada iyo kobcinta xirfadaha shaqada, iyo fursado shaqo oo loo sameeyo dhalinyarada. Xubno ka mid ah bulshada ayaa iyaguna ka hadlay in loo baahanyahay in wax laga qabto xidhiidhka ka dhexeeya hay’adaha adeegyada bixiya iyo bulshada, gaar ahaan wada shaqaynta iyo wax wada qabsiga, iyo ka qaybqaadashada shaqooyinka iyo hawlaha horumarinta bulshada.

Inkastoo dhawaan Bristol loo magacaabay magaalada UK ugu fiican ee lagu noolaan karo, haddana way adag tahay in golaha deegaanka lala shaqeeyo. Arrin kasta oo bulshada Soomaaliyeed codsato si fiican wax loogama qabto, lamana daba galo, lagamana soo jawaabo. Xaqiiqdii, tani waxay dhalinyarada Soomaaliyeed ka dhigtay in ay dareemaan in ay yihiin kuwo la iska fogeeyay, bulshada deegaanka aan ka dhex muuqan oo aan cod lahayn. Waraaqo laga qoray shir ay Bristol Somali Forum qabatay badhtamihii sannadkii 2011 ayaa sheegaya in golaha deegaanka Bristol ay ballanqaadeen in ay tababari doonaan dhalinyaro Soomaali ah oo la shaqaysa da’yarta. Arrintaa weli waxba lagama qaban, imikana ma jiro qof Soomaali ah oo da’yarta u qaabilsan oo Dawladda Hoose u shaqeeya.  Waayo?

Sababtu waxay tahay iyadoo golaha deegaanku uu ku shaqeeyo qof-jeclaysi iyo hab kala qaybsanaan ku dhisan – gaar ahaan marka ay wax ka qabanayaan arrimaha la xidhiidha horrumarinta bulshada. Sida keliya ee arrintan wax lagaga qaban karaa waa iyadoo baadhitaan lagu sameeyo hab-dhaqmeedka shaqada iyo shaqaalaha si loo saxo waxa qaldan, loona horumariyo.

“Maaha in la is weydiiyo ayaynu u codeynaa, laakiin waa in la isweydiiyaa qof noocee ah ayaynu maayar u dooranaa,” sidaa waxa yidhi Khaliil Cabdi. “George Ferguson [maayarkii la doortay 2012kii] wuxuu ku fashilmay in uu wax ka qabto guri la’aanta, waxbarasho xumada ka taagan dugsiyada danyarta iyo dadka madow u badanyihiin, iyo shaqo la’aanta haysata dhalinyarada ka soo jeeda bulshooyinka laga tirada badanyahay. Laakiin musharixiinta kale iyaguna may soo bandhigin wax ka duwan [iyo sida ay arrimahaa wax uga qabanayaan].”

“Codkayagu ma ahaan doono mid la isaga xisaabtamo – sidii hore yaan naloogu soo hagaagin. Sidaa daraadeed, waa in aan iyaga la fadhiisanaa [dhamaan musharixiinta u tartamaya jagada maayarka] oo aan dhageysanaa jawaabaha ay bixiyaan inta aynaan go’aansan cidda aynu u codaynayno. Sidoo kale, waa in aynu ogeysiinaa in aynu la xisaabtami doono.”

Haddaba si taasi u dhacdo, waa in haldoorka bulshada Soomaalida Bristol ay soo qoraan, soona qoddobeeyaan arrimaha ugu muhiimsan ee ay doonayaan in wax laga qabto. Kadibna iyagoo cod midaysan ku hadlaya ay dhamaan musharixiinta ka saxeexaan.

Waa lama huraan in la doorto maayar heegan u ah in uu si dhab ah wax uga qabto arrimaha sinaan la’aanta iyo cadaalad-darada magaalada ka taagan. Waa muhiim in dadku doortaan maayar hormood u noqda horumarinta arrimaha bulshada, sameeyana fursado horumarineed oo dadka oo dhami u simanyihiin; maayar ka shaqeeya, dadkana fahamsiiya faa’iidooyinka sinaanta iyo cadaaladda – mid bulsho iyo mid dhaqaaleba; maayar danjire u noqda dhamaan ganacsatada iyo bulshooyinka kala duwan ee Bristol ku nool.

Follow us: @smgbristol

 

Leave a comment