Bristol Somali Media Group

Home » News » Md. Cumar Boobe Xandulle:“Sharciga Barbar Baa La Iska Dhigay, Nin Waliba Wuxuu Doonayo Ayuu Socodsiiyaa”

Md. Cumar Boobe Xandulle:“Sharciga Barbar Baa La Iska Dhigay, Nin Waliba Wuxuu Doonayo Ayuu Socodsiiyaa”

Archives

Categories

Gravatar: Profile

Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland Oo Daboolka Ka Qaaday Fadeexadaha Ku Tagri Falka Hantida Dalka iyo Fulin La’aanta Sharciga Ee Xukuumada

“Sharciga Barbar Baa La Iska Dhigay, Nin Waliba Wuxuu Doonayo Ayuu Socodsiiyaa” Md. Cumar Boobe

Hargeysa(Ramaas) May11, 2009 – Guddida qandaraasyada Somaliland ayaa daboolka ka qaaday in lacago badan ay dawlada kaga lumaan Hantida ay iibsanayaan iyo dhismeyaasha loo dhisayo Wasaaradaha oo la dul saaro lacag badan, waxaanay sheegeen in aan Hay’adaha dawliga ahi dhaqan gelin wareegtooyin ay Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Marxuum Cigaal ay ku farayeen in hantida dawladu iibsanayso ay qandaraaskooda bixiyaan Guddidoodu.

Guddida qandaraasyadu waxay sidaasi ka sheegeen mar ay maanta hortageen Guddi Hoosaadka Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland, waxaanay shaaca ka qaadeen in aanay awood u lahayn in hantida dawladu iibinayso la soo mariyo guddidaasi.

Guddoomiye ku xigeenka guddida Qandaraasyada Somaliland Xaashi Muuse Xuseen, oo fadhigaasi ka hadlay ayaa wuxuu yidhi “Guddida qandaraasyada qaranku waxaanu ka mid nahay dadka fikrada fiican ka haysta Golaha Guurtida, waxa loo baahan yahayn in aad gacan nagu siisaan sidii aanu u fushan lahayn xilkayaga, laakiin mushkiladaha jirtaa waxa weeye Wasaaradihii, dawladihii Hoose iyo Baanankii ma ku dhaqmaan wareegtooyinkaasi. Waanu dedaalay anagu qoraalkayagii wuu batay cidina ma fuliso.”

“Baabuur yar ayay dawladu iibsanaysaa qiimaha aanu annagu (Guddida qandaraasyadu) ku iibinay iyo ka la siistay way kala duwan yihiin, inta dheeraadka ah waa in ay noqotaa hanti qaranka u baaqday, waxaan xasuusan nahay guryo dawlada loo dhisayay oo dhawr iyo siddeetan kun oo Dollar lagu bixiyay oo aanu ogaanay oo laga soo celiyay, oo markii dambe qandaraaskii lagu helay dhawr iyo lixdan kun oo Dollar, anagu waxaanu u samaysan nahay sidii Hanti dhawre dadban, wareegtooyinka Madaxweyne waxay ina farayaan laguma dhaqmo baabuurta dawlada ee aanu anagu iibsanay iyo kuwa aan nala soo marin ee lambar dawladeed ku dhegan yahay way is le’eg yihiin,”ayuu yidhi Xaashi Muuse.

Guddoomiye ku xigeenka Qandaraas bixintu wuxuu Guurtida u sheegay in dawlada iibinta Gaadiidka iyo dhismaha wasaradaha uu kaga lumo dhaqaale badani, waxaanu yidhi “Guddoomiye haddii Guurti ahaan aad wax ka qabanaysaan dhaqaale, sidee ayay suurto gal u tahay in uu Xisaabiyaha guud warqad bixiyo uu baanka yidhaahdo ninkaa lacagtii gaadhigaa aan sharciga soo marin ha la siiyo.”

Xaashi Muuse, wuxuu alle ha u naxariistee uu marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal uu ku ammaanay dedaalkii ka geli jiray illaalinta hantida qaranka, waxaanu yidhi “Maalin shirkii Golaha Wasiirada uu Maxamed Ibraahim Cigaal uu nooga yeedhay, ninkaasi wuu dedaali jiray oo wuxuu garanayay waxani waxay tahay, markaanu fadhigii Wasiirada nimid Axmed Siilaanyo Wasiirka Maaliyada iyo Ka qorshaynta mid uu ahaa waan iloobay’e markaanu soo wada fadhiisanay ayuu wada eegay xubnihii guddida qandaraasyada oo wada ahaa rag odayaal ah oo soo wada shaqeeyay, ka dibna Madaxweynihii ayuu ku yidhi Madaxweyne sida aad Guddidan u soo xushay maxaad Golahan Wasiirada aad u soo xuli wayday, markaa Guddidii sidaas wada ahaa way iska wada niyad jabeen.”

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Somaliland Md. Cumar Maxamed Xandulle (Cumar Boobe), oo isaguna ka hadlay fadhigaasi ayaa sheegay in sharcigii meel la iska dhigay oo aan lagu dhaqmin, waxaanu yidhi “Meeshani waa Afrika sharciga barbar baa la iska dhigay, nin waliba wuxu doonayo ayuu socodsiiyaa, haddii aanay jirin Hay’ado badan oo mid waliba sharcigeeda ku dhisan tahay oo is kaabaa, sidaasi way dhacaysaa, Guddida hawshiisu imika ma fiicna waayo dawladu waxba ma iibsato. Sababtu waxa weeye dhaqaale ma jiro waxa kaliya oo ay iibsataa baabuur baabuur Wasiir ama Agaasime guud oo la magacaabay loo iibinayo, masuuliyiin badan oo wixii ay iibsanayaan na soo mariyaa way jiraa kuwo kale oo iska kaaya dhinac maraana way jiraan.

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyadu wuxuu sheegay in markii Guddidooda la sameeyay uu Madaxweynihii hore ee geeriyooday Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal uu soo saaray soo saaray wareegto uu ku farayo wasaaradaha iyo Hay’adaha dalka inay qandaraasyada ka baxa ay soo mariyaan Guddida qandaraasyada qaranka wareegtadaasi oo u qornayd sidan “Waxa la idin farayaa inaad dhaqan gelisaans ujeedada iyo mabda’a loo dhisay ilaalinta Hantida qaranka, iyadoo wixii miisaaniyadii ka baxaya iyo haddii uu yahay mid aad mucaawimo kaga
hesheen Haayadaha caalamiga ah inaad soo marisaan Guddida qandaraas bixinta ee heer qaran si loo baajiyo hanti lunsiga xeeladaysan.

Waxa kale oo la filayaa Xisaabiyaha Guud ee qaranka iyo Hanti-dhawraha guud in ay hirgeliyaan arrintan xil iyo dedaal dheeraad ahna iska saaraan, Xisaabiyaha guud wuxuu ku amran yahay in aanu baanka ka gudbi karin kharash ka badan Lix Malyuun oo shilin oo aanay soo ogolaan Guddida qandaraasyada qaranka, waxa loo baahan yahay in Hanti dhawraha guudna uu dabo gal buuxa ku sameeyo qaabka mashaariicda haayaduhu ku bixinayaan qandaraaska.”

Sidoo kale, Guddida Qandaraasyadu waxay u soo bandhigtay Guddi Hoosaadka Joogtada wareegto kale oo uu ku kabay Madaxweyne Rayaale tii uu hore u qoray Madaxweynihii geeriyooday, oo uu soo saaray bishii March ee 2005-tii waxaanay u qornayd sidan “Waxa caado fushay noqotay sida loo baal maray ku dhaqankii iyo socodsiinta wareegtadii uu hore u soo saaray madaxweynihii hore Somaliland.

Haddaba, waxaan dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawlada farayaa inaad dib u soo celisaan ku dhaqankii iyo hanaankii socod-siinta wareegtada sare ku xusan, si loo baajiyo hanti lunsiga xeeladaysan.

Waxaana la idiinka digayaa in ciddii guddida qandaraasyada qaranka soo mari weydaa ee waafajin weyda shuruucda loo dejiyay, lala tiigsan doono sharciga lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.”

Guddida oo la weydiiyay cida qaabilsan bixinta qandaraasyada ay dawladu iibinayso haddii Guddida qandaraasyada loo sameeyay inay hubiyaan oo bixiyaan qanadaraaska hantida dawladu iibsanayso, wuxuu ku jawaabay Guddoomiyaha Guddida qandaraasyada Md. Cumar Maxamed Xandulle (Boobe), oo uu yidhi “Anagu kollayba war kama hayno ee waxaanu ku kooban nahay uun hawshayada oo ah inaanu bixino qandaraasyada wixii dawladu soo iibsanayso.”

Guddoomiyaha Guddi hoosaadka Joogtada ee Golaha Guurtida Somaliland Md. Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) ayaa Guddida qandaraasyada qaranka uga mahad celiyay siday u soo ajiibeen dalabkii gudida iyo tafaasiishii ay ka bixiyeen wixii la weydiiyayba.

View original source

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Join us on Facebook

%d bloggers like this: